Madasha Maanta:Jimaa Tuugaay iyo Talaado Talyaani Roorkii maxaa ka taqaanaa?

by admin | Friday, Jul 24, 2015 | 599 views

SanadiilA1943-dii ilaa 1944-tii gobolka xuddur waxaa soo maray xaalad adag oo dadku saameysay ,waxayna aheyd marxalad aad u daran oo dadkoo dhan ay saameysay taasi oo aheyd markii la waayey xiligii roobaadka Deyrta .

Xili roobaadka Deyrta ayaa xiligaas wuxuu ku beegnaa oktoobar ilaa diseember 1943 dii ,waxaa mar qura lawaayey dalagii beeraha kasoo go’ayey maadaam meesha kabaxdey xiligii roobka mana jirin keyd fiican oo bakaaraha ugu keydsanaa beeraleyda sabatoo ah xiligii lasoo dhaafey ee Guga sifiican uma di’in

Dadka Xoolaha dhaqda(pastoralist) ayaa laba dhinac ka saamaysey roob la’aanta sanadkaas ,mar xoolihii oo aan daaq heysan iyo dadkii oo aan haysan waxay cunaan iyo caanihii ay cabi lahaayeen maadaama xoolihiina aan haysan daaq.

Waxaa bilowdey in gurayaha habeenkii la isugu soo dhaco oo keydka guryaha kujira la isagala baxo si qof walba nafta uu u badbaadiyo,mana jirin dowlada dabooli kartey baahida dadka haysay waayo xiligaas waxaa joogey xuddur Ciidamadii gumeystaha ingiriiska.

Sikastaba abaartaan sababtey roob la’aanta ayaa waxay ku caan baxdey magac ay reer bakool hada weli ay xasuustaan qaarkood,Waxaana lagu magacaabaa JIMAA TUUGAAY.

Sida taariikha ku qoran waxaa dadkii abaarta haysay ay ka heleen qamadi ganacsato reer qalaafo ah iyagoo Qamadiga ku bedelanyey sigaarka iyo kaluunka gasacaysan oo ingiriiska keenay xuddur.

Sidoo kale waxaa jirey sanad lagu magacaabayey( Talaada Talyaani Roorkii) waxayna aheyd 1941-gii oo aheyd xili kala guur ah oo baahi darana ay kajirtay gobolkii la oran jirey xuddur oo hada lagu magacaabo bakool,

Waxayna magaca Talaadi Talyaani Roorkii kutimid,kadib markii xuddur ay ka baxeen ciidamadii Talyaaniga,waxaa markiiba bilowdey xan ah in ciidamo ingiriis ah kusoo wajahanyiihiin xuddur ayna noqon karaan ciidan dhib badan geysta marka ay gacanta dadka ku dhigaan taasi oo dadka u keentey wel wel iyo inay ka cararaan magaalada ama ay qaarkood horey u raacaan ciidanka Talyaaniga.

Nasiib wanaag Ingiriiska markuu uu la wareegey xuddur 1941 gii march wuxuu noqdey mid u fiiacan dadka oo weliba uga wanaagsanaa Talyaaniga .

Ingiriiska wuxuu bilaabey inuu dadka dhiira geliyo uuna ku caawiyo qalabka beeraha iyo adeega kale ee muhiimka ah sidoo kale xiliga Guga sanadkaas wuxuu noqdey mid sifiican u da,a oo barwaaqa ah .

Ciidamadii Ingiriiska waxay bilaabeen dhaq dhaqaaaq ay dadku ku shaqaalaysiinayaan waxayna ukala qeybiyeen seddax qeybood oo kala ah qaar askartooda ku biira ,qaar karaani u noqdo(clerk) iyo malaaqyo kala shaqeeya xaga dhaqanka iyo isdhexgal umadda.

Xiligaas dadkii joogey gobolka xuddur waxay ahaayeen dad lagu qiyaasey 60-kun oo qof oo ah tiro aad u yer marka hada oo loo eego , waqtigan waxaa kunool 350-kun oo qof

 NB: xuddur Waxaa la isku Oran jirey dhamaan deegaanka hada LA isku yiraahdo bakool

Heesta maanta

Lasoco Sabti walba hadii Alle idmo

Like it? Share it!

Leave A Response