Madasha Maanta:Gumeystihii Talyaaniga wuxuu maamulayey Xuddur 27-sano

by admin | Sunday, Aug 2, 2015 | 327 views

Waxaa si kooban u sharxaynaa waqtiyadii ay qabsadeen bakool gumeystiyaashii talyaaniga iyo ingiriiska iyo taariikhdu sidey kala aheyd.

 
Caasimad Goboleed ayaa laga dhigey xuddur 1926-dii, xiligii maamulkii Cesare Maria De Vecchi ,sidoo kale xuddur wuxuu mar labaad noqdey caasimad goboleedka bakool 1973-dii.

 
GumeystihiiTalyaaniga ayaa soomaaliya wuxuu qabsadey 1889-kii ,wuxuuna xuddur Talyaaniga uu la wereegey 1914.

 
Talyaaniga ayaa xuddur wuxuu joogey oo gumeysanayey 27 sano ilaa iyo bartamihii febraayo 1941-gii,xiligaas oo awoodii ay ku laheyd boqortooyadii talyaaniga geeska afrika ay la ciiftey ,kadibna sidaa isaga huleeley xuddur.

 
Waxaa bartamihii febraayo 1941-kiii la wareegey gumesytihii ingiriiska,sidoo kale magaalada waxay noqotey magaalo ganacsi isla sanadkaas 1941 kii ,iyadoo ingiriisaka ka dhigey magaalo ganacsigeeda furanyahay,waayo Talyaaniga xiligiisa waxyaabo badan ayaa mamnuuc ahaa in la keeno ama laga ganacsado.

 

 
Laga soo bilaabo 1941 ilaa 1948-dii,Xuddur waxaa la degey abaaro isxig xigey oo sabab u aheyd roob la aan ,abaarahaas oo yeeshtey magacyo lagu xasuusto.sida Jumaa Tuugaay,khamiis ludaaygii, iyo talaado talyaani roorkii,dhamaan magacyadaas waa magacyo ku yimid xili abaareed.

 
Dadkii ugu horeeyey soo dega xuddur waxay isugu jireen Yemeni iyo soomaalida dhamaanteed.

 
Yemeniyiinta ayaa waxay ku yimaadeen xuddur ciidan ahaan ,qarnigii 19aad iyo bilowgii qarnigii 20-aad
Horaantii lixdamaadkii xuddur dadka kunool waxay ahaayeen 60-kun oo ruux.

 
Xudur waxay u dhowdahay tuuladii uu ku dhashay Sheekh Cabdulle Isaaq oo lagu magacaabo Sarmaan.

 
Cabdulle Isaaq wuxuu ahaa nin culumo ah oo ku gabyi jirey afka maayga isagoo gabayadu u isticmaaleyey qaab diini ah iyo waano.wuxuuna dhashay 1875.

 

 
Qoraa lagu magacaabo Eeding Mad Isaaq ayaa aruuriyey gabayadiisa 1987-dii,wuxuuna ka dhigey bug ka kooban 80 page.

 

Heesta Maanta

Like it? Share it!

Leave A Response