Madasha Maanta:Magaca Bakool halkuu ka’yimid ama muxuu yahay micnihiisu?

by admin | Sunday, Aug 9, 2015 | 754 views

Gobolka Bakool waa mid ka mid ahaa 18kii Gobol ee jamhuuriyaddii Soomaaliyeed, isla markaasna waqtigaan la joogo ee federaalka la noqday ka sii mid ah 3da Gobol ee uu maamulka (Koonfur-galbeeg) ka kooban yahay, kuna yaalla goob aad istiraatiiji u ah, hodanna ku ah xoolaha nool iyo beerahaba, isla markaana safka hore kaga jira meelaha uu ku dhaqmo Geela oogu badan ee ay Soomaalidu dhaqato, waliba nooca ugu dhaadheer ee aydimaha loo yaqaan, waxaana degmooyinkiisa ka mid ah:

 

1 – Xuddur oo magaala-madaxdii gobolka ah,

2 – Waajid,

3 – Ceel-barde,

4 – Yeed,

5-Tiyeeglow,

6-Rabdhuure.

Gobolka Bakool wuxuu xuduudo kala leeyahay;

1 – Soomaali-galbeedda itoobiya ka taliso,

2 – Gobolka Baay,

3 – Gobolka Gedo,

4 – iyo waliba Gobolka Hiiraan.

 

Haddii aan marka hore magaca baay fasiro, Baay waa Buuro safan oo dushana ka siman oo aan kala sarsarreynin. sidaas darteed Baay macnaheedu waa dhulkii sare oo dhanka gedo markaad ka imaanayso ee aad luuq, beerdhuubo iyo baardheere ka soo dhaqaaqaysid waa inaad buurahaas safan kor u soo kortaa, markii aad xagga jubbada dhexe ka imaanaysid ee aad Diinsoor ka soo dhacaysidna waa inaad buuraha Gawraarta loo yaqaan ee dhagaxaantoodu ilka-ilkaha leeyihiin aad ka soo gudubtaa, markii aad xagga xamar ka imaanaysidna waa inaad buuraha safan ee maanyafuulku ka midka yahay ka soo kortaa.

 

Haddaba sida magaca baay uu u yahay mid ka turjumaya qaabka uu dhulka gobolku u sameysan yahay ayaa magaca Bakoolna uu yahay mid ciidda ama carrada Gobolka ka turjumaya oo waa noocyada ciidda mid ka mid ah oo gogolka aad oogu badan.

 

Ciidda Bakoolku waa ciid qalfiif ama aad daqiiq u ah oo caddaan-xigeen ah, markuu roob ku da’o oo ay qallashana labeen qolof oo kale ah ay dusheeda kore noqota oo dusha kore ka adkaata ayadoo hoosna budul nugul ka ah oo markii lagu dul soconayo shanqar dig-dig ah sameysa, ardaasheeda ku dul-ciyaarayana ay dhawaaq-dheerida jaantooda u bogaan.

 

Waa ciid roobkii hadda ku da’ay, dhadhankii xareedda horay ka baddasha oo biyii ka dhigta kuwo dadku ayna dhadhankooda jeclayn, haddii saabuun la is-mariyana dufankii saabuuntu ka sameysnayd kala jar-jarta oo ka dhigta mid jirka ku dhagdhagaysa, shaambadana aan wax u dhimaynin oo dadka Xuddur iyo waajid ku dhaqanba waxay caan ku jihiin isticmaalka shaambada iyo iska ilaalinta saabuunta, Hase yeeshee biyaha bakoolku xoolaha iyo duurjoogtuba aad bay u jecel yihiin oo markii neefku daaq ku filan iyo biyaha Bakoolka isla helo aad iyo aad buu u dhogor-quruxsanaadaa.

 

Waxaa ay biyaha Bakoolku xagga dhadhanka isu dhaw yihiin, kuwa waajeer’ta loo yaqaan ee magaalada wajeer ay magaca ka qaadatay. Haddaba ciiddaas nooceeda Bakoolka loo yaqaan ee aan kor ku soo sheegay, gobollada Baay – Gedo – iyo Hiiraanba meela-meelo kooban oo tan oogu baaxad weyn aan ku qiyaasayo dhawr iyo toban km kaliya ayey leeyihiin, mana aha kuwo sida midda Gobolka Bakool dhul weyn ku fadhiya, waana taas sababtuu Gobolku ku mutaystay in astaan Bakoolnimada lagu asteeyo.

 

Ayadoo ay sidaas tahay, magaalooyinka Xuddur iyo waajid un baa goobo bakool ah ku yaala ee dhulka Gobolku wuxuu u badan yahay carra-gaduud, hadduusan nambar koowba ahayn wuxuu ka mid yahay gobollada Soomaaliya ugu dhirta iyo xayawaanaadka badan.

 

Dadka reer-Bakool waa kuwo bay’addooda aad u fahamay, dhulkooda oo aan beernayn markaad daawatona waxaad moodaysaa meel aan beerashada ku habboonayn oo waxaad arkaysaa dhagaxaan beerahooda si teel-teel ah u dhex taal-taal oo waxaa la moodayaa inay dhagaxaantu iskood meesha isaga yaal-yaallaan, hase yeeshee xaqiiqadu taas way ka badalan tahay oo dadkii beeraha lahaa ayaa meesha si ugu talo-gal ah u dhig-dhigay oo maadaama ciidda bakoolka ah iyo tan gaduudanba ay dhooboyda ka qafiifsan yihiin, ayaa dhagaxaantu waxay ka difaacayaan dabaylaha iyo daadadka oo inay ciiddi kore nafaqaysnayd ay meesha ka qaadaan ayey u diidayaan, isla markaasna biyihii beerta qulqulidda ku dhaafi lahaa ayey dhagxaantu u hakinayaan.

 

Taasi waa xeelad Gobolka bakool u khaas ah oo caddeynaysa inay bay’addooda dadka kale ka yaqaannaan.

Heesta Maanta

 

W/Q: Maxamed Sheekh Cali.

Like it? Share it!

Leave A Response