Madasha Maanta:Booliska,boostada iyo gaalshiraha Xuddur waxaa dhisay gumeytihii Talyaaniga

by admin | Friday, Aug 14, 2015 | 923 views

Magaalada Xuddur oo kamid degmooyinka gobolka bakool,ayaa waxay leedahay Taariikh mug weyn oo qoto dheer,waxayna magaaladu tahay xudunta dhaqanka gobolka bakool,waxaa sidoo kale kamid tahay magaalooyinka gumeystihii Talyaaniga iyo  Ingiriiska ku raagey.

Sida Taariikhda ku qoran Talyaaniga ayaa wuxuu yimid xuddur 1914-tii kadib sanad markii 1913-kii baydhabo uu qabsaday.Talyaaniga ayaa xuddur isaga baxay 1941-tii, markii boqortooyadii Talyaaniga bariga afrika ay liicdey.waxaana uu maamulayey xuddur 27-sano.

Ingiriiska ayaa bedelley Talyaaniga oo isla sanadkii 1941-gii soo galay xuddur,inkastoo ingiriiska lagu amaano inuu furfurey ganacsiga magaalada xuddur oo ay kaga wanaagsanaayeen Talyaaniga.

Balse Maamulkii Ingiriiska ma dhisin dhismooyinka magaalada kadhisan oo qaarkood la taagey xiligii gumeystaha,waxaa inta badan dhismooyinkaas dhisay Talyaaniga.

Iskuulada Xuddur  kawada dhisan inta badan waxaa la aas aasey xiligii ay bilatey dowladii kacaanka ee Alle ha unaxariistee Jaalle Siyaad.inkastoo dugsi hoose ee Xaafada Buullow uu jirey 1954-dii, xiligaas oo ay jirtey dowladii rayidka aheyd ee (futushaariy) ee uu hogaaminayey  Alle ha unaxarsiitee Cabdullaahi Ciise,balse waxaa kala cadeyn inuu dhisay Talyaaniga iyo Dowladii Cabduulaahi Ciise.

1962-dii Ardeydii dhiganeysay Iskuulka Buullow ayaa waxaa qaadi waayey iskuulka tirada ardey oo aad u badneyd,waxaa markii danbe ardeyda inta hartey loo kireeyey guri uu laha Alle ha unaxariistee Cumar Yaasiin oo kuyiiley dhabarka danbe Maqaayada Mad Sheekh Abdalla.

Talyaaniga ayaa dhiniciisa waxaa lagu amaanaa dhismooyinka uu ka hirgeliyey magaalada xuddur ,waxaa kamid Isbitaalka weyn ee magaalada oo weliba la sheego isbitaalkii ugu horeeyey ee laga dhiso degmooyinka soomaaliya oo dhan marka laga reebo muqdisho,waxaana la dhisay bartimihii soddomeeyadii.

XaruntaBooliska,Kumasaariyaha,boostada,isbitaalka iyo gaalshirahaba waxaa dhisay gumeytihii Talyaaniga, wuxuu kaloo Talyaaniga aas aasey Garoonka kubadda Cagta(isbartiimo) inkastoo 1973-dii kacaanka dib u dayactirey.

Hadaba si aan u cadeyno inuu dhisay Talyaaniga dhismooyinka qaar ee magaalada xuddur maadaama ay maamulayeen xiliyo kala duwan Ingiriiska iyo Talyaaniga,ayaa waxaa cadeynta arintaas ka helney isla dhismooyinka oo ku qornaa luuqada Talyaaniga iyo qoraaladii ay ugu tageen kahor inta aan ka guurin xuddur.

                         Dowladii Kacaanka Xarumaha ay dhistey

Inkastoo xiligii kacaanka ay dadku  wax ku dhisayeen iskaa wax u qabso(Voluntary) ayaa waxaa kamid ah xarumaha ay suurta gelisay dowladda.

  • Dugsiga dhexe 1970-kii
  • Dugsi Hoose 1971-kii
  • Dugsiga sare 1976-dii
  • Garoonka kubadda cagta 1973-dii dayactir

Waxaa jirey Fanaan aad u cod macaan oo dalka soomaaliya aad looga wada yaqaano,fanaankaas oo lagu magacaabo Siciid Mirre Xaydar.Siciid ayaa kamid ahaa dhalintii kusoo barbaartey magaalada xuddur, isagoo aad u da’a yer ayaa waxaa keeney aabihiisa Mirre Xaydar oo  ahaa askari katirsanaa askartii dowladii Rayidka aheyd.

Siciid Mire Xaydar202

File:Saciid Mirre Xaydar

Saciid Mirre xaydar ayaa xuddur ka tagey 1973-dii xiligaas oo ay qaadatey kooxda booliska ee Heegan kadib markii ay u bogeen codkiisa ,isagoo ugu danbeyntii noqdey fanaan qaran.inkastoo lahjada maayga uu ku hadlo balse kuma heesin.

Heestii:Yaanan Go’in Daraadaa Siciid Mire Xaydar

 

Lasoco sabti walba madasha maanta

Like it? Share it!

Leave A Response