Madasha Maanta: Gobolka Bakool imisa xildhibaan ayaa kasoo gashey 1960,1964 iyo 1968-tii?

by admin | Friday, Aug 21, 2015 | 627 views

1960-kii xorriyadda dalka Soomaaliya kadib.Gobolka Jubbada sare ayaa la isku dhihi jirey Bay,  Bakool iyo Gedo gobollada hadda loo yaqaanno waxaa laga xukumi jirey Baydhabo.

markaas jubbada sare waxay aheyd degmooyinka Baydhabo, Xuddur, Baardheere, Luuq iyo Buurhakabo.

1971-dii ayaa la kala qeybiyey jubbada sare waxaana laga dhigay 2 gobol oo kala ah Bay iyo Bakool, Bakool waxaa degmooyin qaatay 6. 1971:

  1. Yeed
  2. Waajid
  3. Tiyeegloow
  4. Ceelberde

Xuddur oo ah xarunta gobolka Bakool sidaas Gobolku wuxuu ku noqday 4 degmo.

1972-dii waxaa la kala qeybiyey gobolkii Bay waxaana laga dhigay Bay iyo Gedo, isla sannadkaas waxaa degmonimo qaatay 8. 1972.

  1. Diinsoor
  2. Beledxaawo

5.Ceelwaaq

6.Garbahaareey

Degmada Garhaareey oo markaas qaadatay degmonimo ayaa magaalo madax looga dhigay gobolka Gedo.

XILDHIBAANADA BAKOOL 1960s:

1960-kii xorriyadda Soomaaliya waxaa laga soo doortay Sh. Maxamed Aden Coomeey, Sh. Mukhtar iyo nin kale oo aanan xasuusan magaciisa ( 1 MP cowlyahan 2 MP Hadame).

1964-tii doorashadii  Bakool waxaa kasoo galay Bare Ugaas Geedi, sh. Mukhtaar, sh .. Mukhtaar-jiroon ( 1MP cowlyahan iyo 2 MP raxaweyn)

1968-dii waxaa Bakool kasoo galay Bare Ugaas Geedi, Aden Diiriye, sh. Mukhtaar, Mad Guudoow ( cowlyahan, majeerteen(buraashadleey) iyo 2 raxaweyn ah hadaan si kale u dhaho 2 daarood 2 raxaweyn).

YEED:

Degmonimo waxay qaadatay Juun, 1971-dii waxay xuduud la leedahay:

Koonfur- Waajid

Galbeed- Luuq

Waqooyi- Baareey Itoobiya

Bari – Xuddur

Waqooyi Bari – Ato iyo Ceelbarde

Tuulooyinka:

Ceelgaras, diidocanaani, qooneey, shimbiro, dhuureey, gorayaale, xabow, washaaqo, Allamo, darmaajiid, qorofdhurwaa, dhamaajaaleey, dhax-xirleey, ceel-la-Helay, qoracleweyne, rabdhuure, boodaan, wardhutileey, lagalaay, gubato, ceel ka-riigga, iwm.

Ceelbarde:

Bishii Agoosto, 1972 ayey degmo qaadatay waxayna xuduud la leedahay:

koonfur- xuddur

Galbeed- Cadaadle Itoobiya

waqooyi- Qalaafe

Bari – Baledweyne

Tuulooyinka:

Baadikeen, cagey, abeesaale, ceelmagad, qoracjoome, dhagaxtuur, fikta, ceelkuusoow, buq, salkudhooble, waryaan, haarcad, habareey, ceeldheere, laheloow, garidab, ceelcaano, ceel-Cali, huluul, wariira, hiire, biyofadhi, oondheere, lawareeg, daanshood, bambaar, dhabariig, ceeldheere, dhaxkabood, cayeeya, dhoobaale, iwm.

Guddoomiyihii ugu horreeyey ee degmad ceelbarde 1972-dii waxaa la dhihi jirey maxamed faarax duqii magaalada ee ugu horreeyeyna wuxuu ahaa Cabdi Xalane..

AATO:

14.04.1990-kii ayaa degmonimo loo magacaabay waxayna ka mid aheyd degmooyin badan oo hal mar la magacaabay kana mid ahaayeen degmooyinka Xagar, maxaas, moqokori, balanbal, guriceel, iwm. Waxay xuduud la leedahay.

koonfur- xuddur

Galbeed – Yeed

Waqooyi- Baareey Itoobiya

Bari –Ceelbarde

Tuulooyinka:

Shimbiraale, ganoweyn, lahelow, cabdigaabyo, tagaabeeye, mirowle, kolomey, lamagalaay, Faraq, buurcaliyow, ceelcade, balibulxan, jiifteey, iwm.

Saddexdan degmo dhaqaalahooda waxaa ugu muhiimsan xoolaha nool, xabagta iyo beeraha xilli roobaadka.

Heestii Bakool iyo kooxda North America

lasoco sabti walba hadii alle idmo

 

Like it? Share it!

Leave A Response