Madasha Maanta:Xikamadihii Mad Sheekh Abdalla oo aan kasoo qaadanay qeyb

by admin | Friday, Aug 28, 2015 | 415 views

Sheeko ku saabsan faqriga

Mid ka mid oraahihii ama tusaalayntii Maxamed Sheekh Cabdalla, taas oo aan ku soo qaadanayno waxa uu ka yiri dhibaatooyinka faqriga ama xoolo la’anta.

Siddy walhaad fagiirtinimy ya leh:

  • Koodkaa oo liinky koodany.
  • Kibirkaa oo liing kahadaany.
  • Kusaarkaa oo liing kolkooliyaany.

Tan koowaad (Koodkaa oo liinky koodany) waxaa loola jeedaa, haddii qof faqiir ah ama aan xoolo haysan wax murti leh uu sheego, dadka saas uma daneeyaan, xitaa haddii sheeko macaan ama wax in lagu qoslo loogo talagalay ay yihiin oo qosol leh mana qoslaan. Laakiin haddii nin xoolo haysta uu sheego sheeko aan dhadhan lahyn, dadka maanta oo dhan way qoslayaan si ay u raali geliyaan ninka xoolaha haysta.

Tan labaad (Kibirkaa oo liing kahadaany) waxaa loola jeedaa haddii qof faqiir ah uu xanaaqo, dadka waxay oranayaan, iska daaya hadduu xanaaqo dharkiis muu ka badanayaa ama yuu wax ka qaadi karaa, muxuu sanka u taagayaa iyo kuwo kale. Laakiin haddii qof xoolo leh uu xanaaqo, dadka oo dhan waxay isku dayayaan inay maslaxeeyaan ama ay baryaan si loo raali geliyo, xitaa hadduu maslaxada uu diido waxaa la leeyahay yaan u dirnaa? Yaa soo maslaxeynaya,? Yey isku fiican yihiin? Maxaan sameynaa? Iyo kuwo kale.

Tan saddexaan (Kusaarkaa oo liing kolkooliyaany) waxaa loola jeedaa haddii qof faqiir ah uu reer u marti galo ama isagoo musaafur ah u yimaado, odeyga reerka xil sidaa u weyn iskama saarayo, wuxuu leeyahay war ninkaas wax siiya markii aad wax karsataan, xitaa kama kontroolo cuntada la siinayo inay fiican tahay iyo in kale inay qalleyl tahay iyo inay iidaan fiican keedahay iyo inay tahay mid u qalanta in marti la siiyo iyo in kale iyo weli tayada halka uu siixanayo kama eego. Laakiin haddii nin maal qabeen ah soo martiyo, waxaa adeegaya odeyga reerka wax kasta oo cunto iyo jiif wanaagsan ayuu u diyaarinayaa, isgoo weli ugu daraya hadallo macmacaan oo ay ka mid yihiin, raaali ahow si fiican wax luguuguma qaban, kanna dhadhami, kan cab iyo kuwo kale. Waxaa laga yaabaa cuntada uu siinayo in ay tahay mid ay caruurtiisa u baahan yihiin.

Maxamed Sheekh Cabdalla2

Sheeko ku saabsan dukaan

 

  1. Seddy lang (qof) likii gadyih!
  2. Askar deeng lukoo siyih!
  3. Iddy (guriga) irid likiingku biyih!

Tang koowaad wuxuu ku micneeyey, dukaankaaga ama ganacsigaaga wixii soo galay iyo wixii baxay waa in la og yahay, haddii saddex qof oo kala qorshe ah ay gadayaan oo midba wuxuu sameeynayo uusan u sheegeyn kuwa kale, dukaankaas si dhaqso ah ayuu u baaba ‘ayaa.

Tan labaad waxaa loola jeedaa haddii deynta aad bixinaysid aysan ku soo xaroon dukaankaas isna waa u dhamaatey. Wuxuuna tusaale u soo qaatey askarta waagii hore lama ogaan jirin halka loo beddelo iyo waqtiga uu baxayaba ee ma aha micneheeda askarta deen ma bixiyaan. Laakiin waagii hore isagoon deynta iska dhiibin baa la beddeli jirey, wayna adkeyd in askariga iyo ninka meheradda leh ay si fudud iskula xiriiraan, waayo ma jirin isgaarsiinta maanta aan haysanno. Marka waxaa dhici jirtey in ninka dukaanka lahaa isna uu dukaankiisa khasaaro haddii uu waayo lacagtiisa.

Tan saddexaad waxaa loola jeedaa, haddii masaariifta guriga aan la xisaabin marka dukaanka laga bixinayo, lama ogaan karo wixii baxay, khasaare iyo faa’iidoba. Marka Maxamed Sheekh Cabdalla, Ilaahey ha u naxriistee, wuxuu ku sheegey waxa ugu fiican ee dukaan ama mehrad lagu wadi karo waan in loo daayaa laba midkood, adiga ama qufulka. Taas oo uu ula jeedey in hal qof uu la xisaabtami karo dadka kale ee la shaqeeya loogana dambeeyo howsha mehredda Marka haddii kala dambeyn jirinna adiga ka shaqee dukaanka markaad ka tegeysidna xir.

 

-Xikmad

Hagallii gee dhidowty, hamiinga dhiigasy.

Macnaha maahmaahdani waxay tahay, qofka hadduu maalintii oo dhan uu fadhiyo oo xoolihiisa uusan raacin, wuxuu ka dhididaa xaglaha. Marka habeenkii ay soo xaroon waayaan xoolihiisa oo ay ka lumaan qaarkood ama dhammaantood wuxuu orod bilaabayaa habeenkii si uu u baadi goobo xoolihiisa lumay ama maqan. Marka wuxuu la kulmayaa habeenkii ood iyo qodxo oo dhiig ka keenaya xaglihii maanta dhididey. Toddobaadkanna intaas ayaa ku soo koobeynaa, waa inoo toddobaadka dambe hadduu Eebbe edmo.

-Maah Maah

Lankii walaajhey ky dhedheely, wal laanga ky dhedheelasy.

Maahmaahdani micnaheedu waa: Ninkii wixiisa ama xoolihiisa ku dheela , isna wax la’aan baa ku dheesha. Toddobaadkan halkan ayaan ku soo koobeynaa, waa inoo toddobaadka dambe hadduu Eebbe edmo.

Heesta maanta

lasoco sabti walba

 

Like it? Share it!

Leave A Response