Xafiiska Isuduwaha Dhalinyarada iyo Sportiga K/galbeed soomaaliya ee G/bakool

by admin | Wednesday, Sep 2, 2015 | 379 views

 

  1.  Xafiiska Isuduwaha Dhalinyarada iyo Sportiga K/galbeed soomaaliya   ee G/bakool   
  2.                                Southwest State Of Somalia   In Bakol Region   
  3. +252615158318 +252615966132/bakoolspots63@gmail.com/mgooni114@gmail.com  

 

————————————————————————————————————————- 

Anigoo ah “Maxamed Xasan Cabdiraxmaan” Isuduwaha Dhalinyarada iyo Isboortiga maamul goboleedka koonfur galbeed soomaaliya ee G/bakool, waxaa halkaan kacadeynayaa in Xafiis ay leeyihiin isportiga gobolka bakool laga furey gudaha degmada xuddur  waana markii ugu horeysey oo xafiis isports lagafuro gobolka bakool tan iyo markii ay burburtey dowladii dhexe ee soomaaliya 1991 wixii intaasi kadambeeyi majirin Maamulo, Ururo ama shaqsiyaad u istaagey in ay dardar geliyaan ama hormariyaan sportiga.

Nasiib wanaag hada waxa ladhisay maamuladii isportiga waxayna u dhisan yihiin sida tan:-

  1. Isuduwaha Dhalanyada iyo Sportiga ee Gobolka Bakool Maamul goboleedka koonfur galbeed soomaaliya.                                 Maxamed Xasan Cabdiraxmaan (gooni)
  2. Guddoomiyaha Sportiga DEG: Xuddur. Cali Cabdiraxmaan Axmed (karyare )
  3. G/Kuxigeenka sporiga DEG: Xuddur.           Mxamed taakow maxamed

Waxa kaloo dhisan xiriiryadii iyo gudiyadii sportiga, wuxuuna ka koobanyahay guddiga kow iyo toban hubnood (11) waxana hada qaban qaabadeeda socota in labilaabo horyaaladii kala duwanaa ee sportiga guddiyadaas magacyadooda iyo sawiradooda hoos ayaad kaga bogan doontaan.

  • Xiriirka Kubada cagta  Maxad fiidow maxamuud
  • Xiriirka Kubada koleyga maxamed Axmed Cali (faanaa)
  • Xiriirka Kubada laliska                   Maxamed Xuseen Maxamed (carab)
  • Xiriirka Orodada                  Cabdullaahi Isaag Maxamed (humow)

Dhinac kale waxaa xusidmudan oo dhismaheeda gabagabo mareysaa isbartiimadii/garoonka gubada cagta waxana dhismahaas suurageliyey oo mahad balaaran halkaan ugusoo jeedineynaa hadaanu nahay bahda sportiga ee G/bakool ka sokow ALLE,  hay’da DAI/TIS waana hay’adii ugu horeysey oo dib udhis kusameysa garoonka kubada cagta degmada xuddur ee xaruun goboleedka bakool.

 

 

Waxan kaloo umahad celineynaa Guddiga Olompikada Soomaaliyeed (GOS) oo nasoo gaarsiiyyey Qalab noocyadiisa kaladuwan oo isugujira maaliyido, banoonayaal iyo koobab waxana noo fududeeyey xogxayaha olompikada soomaaliyeed.

 

Maamuladan dibloodhisey waxay kuguuleysteen in ay gudaha magaaalada xuddur ay ka furan xafiiska dhalinyarada iyo sportiga ee G/bakool taas oo ay aad ugu riyaaqeen dhalinyarada iyo sportiga meelkasto oo daafaha caalamka ay kaga sugan yihiin, waana guul usoo hooyatey dhamaan dhalinyarada gaar ahaan SPORTIGA.

Xafiiskaan wuxuu ku yaalaa bartamaha magaalada xuddur wadadaan aada dhanka xaafada buulow ama saldhiga booliska.

Sidookale waxan ku guulleystey inaan dhiso guddiyaashii iyo guddoomiyaashii Dhalinyarada iyo isbortiga ee  degmooyinka G/bakool

Hadaba dhegeystow/akhristow wixii talo iyo tusaalo ah ama su’aal ah waxad noogu soo gudbinkartaa ciwaanadaan iyo nambaradaan hoos ku qoran.

 

Maxamed xasan cabdiraxmaan

Isuduwaha Dhalinyarada iyo Isboortiga ee G/bakool

hud 1 hud 2 hud 3 hud 4 hud 5 hud 7

Like it? Share it!

Leave A Response