SAWIRO:Tartan kubadda cagta ah oo kasocdey Baydhabo oo lasoo gaba’gabeeyey

by admin | Friday, Sep 4, 2015 | 421 views

Waxaa maanta garoonka kubadda cagta magaalada Baydhabo Kusoo geba gebooobay
tartan  lagu tartamayo  koob loogu magacdaray is dhexgalka Bulshada ,kaaas oo
loogu tala galay soomaalida qaxootiga  ku ahaa dibadda oo dib ugus oo laabtay
dalka iyo bulshada kale.

Tartanka koobkan ayaa waxaa soo qabanqaabiyey  Ururka SIPEJ iyo Gudiga
Olombikada KGS iyo wasaarada isbortiga iyo dhalinyarada KGS oo markaasi
gacan ka helaya Hay adda DRC.

Munaasabadda furitaanka koobkan ayaa waxaa kasoo qaybgalay Wasiitka
Isbortiga iyo dhalinyarada Cabdulaahi Fanax iyo ku xigeenkiisa, Kusimaha
gudoomiyaha Olombikada KGS cabduqadir shariif iyo madaxa Hay adda SIPEJ
Cali Maday Caliyang iyo marti sharaf kale iyo boqolaal dadweyne oo
xiiseynaayey tartanka.

Intii ciyaartu socday ayaa waxa garoonka kula kulanay madaxa Hay adda SIPEJ
Cali Maday Caliyang iyo Kusimaga gudooliyaha Olombikada KGS cabduqadir
shariif waxayna kawar bixiyeen tartankan iyo ujeedadiisa

Koobkan is dhexgalka bulshada oo ay ku tartamayeen  ilaa sideed Naadi ayna
is kusoo hareen labada naadi ,Hawlwadaag iyo Dalsan ayaa maanta  garoonka
ciyaar xiiso leh ku dhexmartay labadaasi naadi .taasoo daawashadeeda  ay kasoo
qaybgaleed  Masuuliyiin iyo boqolaal dadweyne.

Haseyeeshee  ciyaartan ayaa ugu danbeyntii kusoo gebagebowday 2- gool iyo 1-
hal oo ay guushu kuraacday Dalsan. koobkana sidaasi ku qaaday ayadoo maalinta
beri lagu wado in munaasabad lagu abaalmarinaayo kooxihiii kaalimaha koowaad
iyo labaad galay ay ka dhicidoondo  baydhabao.

Sidoo kale tartanka ciyaarahani ayaa waxaa qayb ka ahaa ciyaaraha Fudud
sida Orodka,Xarigjiidka iyo tartamo kale. kuwaasoo dhamaandood ay ahaayeen
kuwo daweynihii daawanaayey ay aad ula dhacsanaayeen

DSC00100 DSC00102 DSC00105 DSC00107 DSC00137 DSC00125

Like it? Share it!

Leave A Response