Madasha Maanta:Shariif Saalax wuxuu kamid ahaa Aqoonyahanada fara kutiriska ah

by admin | Friday, Sep 11, 2015 | 318 views

Marxuum Shariif Saalax Maxamed Cali oo ka mid ahaa Qorayaashii Afka Soomaaliga, ayaa haa Macallim xog-ogaal u ah Galgankii xornimo doonka, loollammadii xornimo dhalinta iyo xoogaggii xornimo-diidka ahaa, wuxuuna ka Qoray Buug taariikhda Soomaaliyeed ku tifaftiran tahay oo kasoo bilaabata waayihii Dagaalkii 2aad, kuna soo ebyooma ilaa xornimo laga qaato, iyo waayihii intaas u dhexeeyey.

Wuxuu Agaasime ka noqday Wasaarado dhowr ah, sidoo kale wuxuu noqday Guddoomiyaha guddigii Qorista Af-Soomaaliga, isagoo sidoo kale noqday wasiirkii hiddaha iyo tacliinta sare.

Marxuumka oo Qoray Buuga Caanka ah “HUDDUR and The History of Southern Somalia” wuxuu soo qabtay xilal kala duwan oo aan ka xusi karno sida: Ragtarka Jaamacada Umada Soomaaliyeed, Wasiirka Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladii Siyad Barre, Safiirka Soomaaliya ee Rooma, Safiirka Soomaaliya ee China, Safiirka Soomaaliya ee Ingiriiska.

Marxuumka ayaa ku geeriyooday 78-jir, wuxuuna ku dhashay Sannadkii 1936-kii magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.

by

                    Mohamed Adow Muxuu ka yiri?

Waxaan xusuustaa sanadkii 1992dii asagoo deggan magalaada Qaahira ee dalka Masar inuu nagu casumey gurigiisa uuna nagu waaniyey annagoo ah dhallinyaro u tabaabusheysaneysa inay qaxootinimo ku galaan wadamada Reer Galbeedka in aanan illaawin dalka hooyo.

Waxaan sanado ka dib Shariif Saalax ku kulannay magaalada London ee wadanka Britain sanadkii 1996dii waxaanna dib u soo xusuusiyey

waannadii uu nagu waaniyey markaan joognay Qaahira wuxuuna si kaftan iigu yiri “Geeddiga waad furteene maankiina ka haaya dalkii”.

Runtii waanadaas Shariif Saalax waxay hayd mid mahadho igu reebtay.

Inkastoo uu Shariif Saalax ahaa dalmar danjire ka noqdey dalal badan haddana ma ahayn qof dhul shisheeya weligiisa jamaday wuxuuna jeclaa wadankiisa hooyo, taasna waxaa daliil u ah inuu ku dhintay laguna aasay ciid Soomaaliyeed.

Waxaa kaloo lagu xusuustaa Shariif Saalax sida ka muuqata sawirkan inuu ahaa diblomaasi Soomaaliyeed kii ugu danbeeyay oo ku weheliya Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre shir madaxeedkii ugu danbeeyay ee uu ka qaybgalo 5 (shan bilood) ka hor inta aan la ridin dawladdii uu madaxweynaha ka ahaa. Sawirkaan waxaa la qaadey August 10, 1990 intii uu socdey Shir Madaxeed 18aad ee Ururka Jaamacadda Carabt oo lagu qabtey magaalada Qaahira ee wadanka Masar.

Shariif Saalax waa timo-caddaha faraha is dhex gashadey ee fadhiya kuraasta ka danbeysa (dhinaca midig) Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre.

 

Like it? Share it!

Leave A Response