Taj Mahal:”Sanad walba waxaa soo booqda Labo Milyan oo qof” qalinkii (Maxamed Afyerey)

by admin | Sunday, Sep 20, 2015 | 625 views

Dunida aan Guudkeedu Saaranahay waxaa la,xusaa inay jiraan 7 Mucjisadood oo Aduunka kajira waa wax Kheyrul caadi ah ay ku,adagtahay Binu,aadamka inuu sameeyo inkasta Mucjisooyinkaan ay sameeyen Isla Binu aadam balse ay aheyd waa hore hadaba Dhismaha Taj,Mahal wuxuu kamid yahay 7da layaab ee Aduunka u Diiwaan gashan.

 

Hadaba maxay tahay Taj,Mahal,? waa Dhismo kuyaala Magaalada Agra oo saaran Webiga Yamuna Jiingiisa oo kamid ah Gobolka Waqooyi ee Uttar Pradesh.

 

Magaalada Agra waxay 200-km u jirtaa magaalada Caasimada ah ee Dalka Hindiya New Delhi.

Taj Mahal waxaa dhisay Boqorkii la,oran jiray Shah Jahan oo kamid ahaa Boqortooyadii Beershiyiinta (iran) oo lagu magacaabayey Mugha oo katalinaysay Dalka Hindiya wuxuuna u Dhisay Xaaskiisa Seddaxaad Mumtaz Mahal oo aad u jeclaa Boqorka

 

Dhismaha ayaa labilaabey 1632 ilaa 1653 ayaa la’dhameystiray waxaana u dhaxaysa 21 sano inta uu dhismaha oo keliya socdey.

 

Shaqaalaha Nashqadeynta iyo Dhismaha ayaa ahaa inka,badan Kumanaan qof,Injineero iyo Farshaxanistayaal aan kaxusi karo Abd ul-Karim Ma’mur Khan, Makramat Khan, iyo Ustad Axmed Lahuari oo ahaa Farshaxnistihii ugu muhiimsanaa ee wax kadhisay Taj Mahal,

 

Darjiimada Dhisamaha celcelis ahaan waxay gaarayaan 300 meter, 16 Fadhi oo dhagax ah nooca sariirta oo kale u sameysan iyo Baraagaha waaweyn ee loo yaqaano Reflecting Pool sida Baraakta loogu magac darey Abraham Lincoln ee kutaala Washington.

 

Muuqalka Bilacda leh ayaa waxaa kamid ah Biyo meel sare kasoo Daadanayo iyo Geedo cagaar badan oo lagu xardhay Hareeraha Jardiimada.

 

Bedka uu kufadhiyo waa seddax Acres marka aad isha la’raacdo waxaa kuu so baxaysa in xalay ladhisay Taj mahal Cuseebka kamuuqda iyo Dhismaha oo aan lamid aheyn Midka Dadka hada ay dhistaan waa wax uu keeney in lagu daro mucjisooyinka Caalamka ,sidoo kale waxa ku dhex yaalo Masaajid oo lagu Qurxiyey Dhagxaan Cas,Cas oo Dhooqa laga sameeyey sida Aargooyinka iwm.

 

Xaaska Seddaxaad ee Boqorka aadka u Jeclaa Mumtaz Mahal una dhisay Guriga Taj Mahal ayaa geeriyootey Dhalmadii qarnigii 14-aad oo ay umul Raacdey inkasta uu boqorka uu Geeriyoodey Seddax iyo Toban sano Geerideeda kadib.,Boqorka iyo Xaaskiisaba waxa lagu aasey gudaha Taj mahal.

 

Dalxiiseyaasha soo Booqda sanadkii ayaa lagu qiysaas labo Milyan ilaa Afar Milyan oo ay kamid yihiin inka badan 200,000 oo Dibadda ka imaada, waxayna Imaadaan Bilaha kuleelaha ah sida Febraayo,Oktoobar iyo Nofeembar.

 

looma ogola Agagaarka Taj mahal in gaari la dhigto Dalxiiseyaasha way usoo lugeeyaan ama waxay isticmaalaan Electric Bus.
Taariiqda Dhisamaha Taj Mahal aad ayey u dheertahay intaa ayaa kusoo koobey

 

 

Maxamed Aadan Afyerey

 

Like it? Share it!

Leave A Response