dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay ciyaar kubadda cagta oo ka socotay Boorama

by admin | Sunday, Oct 11, 2015 | 271 views

Tartan ciyaar kubbada cagta ah oo u dhexeysa labo gobol oo ka mid ah gobolada Waqoyi Galbeed Soomaaliya ee maamulka Somaliland ayaa waxaa ka dhashay rabshado sababay in hal ruux uu geeriyoodo tiro kalana ay ku dhaawacmaan.

Ciyaartan oo ka dhacaysay garoon ku yaal magaalada Boorama ayaa u dhexeysa labada gobol ee Awdal iyo Maroodijeex oo ah gobolka Waqoyi galbeed.

Muran xoogan ayaa ka dhashay kadib markii rigoore ama gool ku laad loo dhigey ciyaartoyda xulka gobolka Awdal oo rigoorahaana dhaliyeen.

Hase yeeshee taageerayaasha xulka gobolka Maroodijeex ayaa garoonka soo galay isla markaana diiday in ciyaarta ay sii socoto, sidoo kale ciyaartoyda Maroodijeex ayaa iyaguna diiday rigooraha laga dhigay. Ciidamada ammaanka ayaa soo galay garoonka waxayna isku dayeen inay si xoog ah garoonka uga saaraan taageerayaasha waxayna rideen rasaas taasoo sababtay in rasaastaa ay ku dhacdo qaar ka mid ah dadkii daawanayay ciyaarta.

Ciyaartan maanta dhacday ayaa ugu danbayn waxaa guushu ku raacday Xulka Gobolka Awdal oo la siiyay For Feed ka dib markii ay Gool ku laadkii Rigaadhaha diideen Xulka Gobolka Maroodi Jeex inay ku laagtaan.

Like it? Share it!

Leave A Response