Barnaamishkii Madasha Maanta oo dib loo soo celinayo

by admin | Thursday, Mar 24, 2016 | 283 views

Mudo dhowr bilood ah waxaa hakad ku jirey barnaamishkii isbuuclaha ahaa ee lagu soo daabici jirey bakoolnews,kaasi oo lagu magacaabi jirey “Madasha Maanta”

wuxuu ku saabsanaa  qormooyin dib loogu eegayey Taariikhihii uu lahaa Gobolkii  Alta-Jubba gaar ahaan gobolka Bakool iyo waxa la xariira.

Qormooyinkan oo lagu soo bandhigayey saameyntii Gumeystihii Talyaaniga iyo Ingiriiska ay ku lahaayeen deegaanka hada lagu magacaabo Bakool.

Waxaa horey u jirey qoraalo badan oo aan ka sameynay kahor intuusan hakadka imaan ,waxaan kusoo bandhigney dhaqanka iyo siyaasadda .

Waxaa sii anba qaadi doonaa qornooyinkaas,iyadoo maalin walboo sabti ah aad ka aqrisan doonta website-ka hadii Alle idmo.

Aqristiyaasheena qaar kamid ah ayaa soo codsadey in dib loo soo celiyo qormooyinkaas maadaama ay yihiin kuwo xanbaarsan aqoon iyo qibrad.

Kahor inta aan bilaabin qormooyinka ayaa waxaa ku bilaabi doono qoraalo hore ,kuwaasi oo aan u aragney in mudanyihiin in lagu celiyo.

Like it? Share it!

Leave A Response