Madasha Maanta:Waxyaabo badan ayaa ka dhacay magaalada Xuddur 1947-dii

by admin | Friday, Mar 25, 2016 | 1163 views

Ku celis

1947-dii sarkaalka u qeybsanaa arimaha bulshada magaalada xuddur waxaa la oran jirey A.J Cooper oo kamid ahaa gumeystihii ingiriiska ee ku sugnaa magaalada xiligaas,sidoo kale Taliyaha saldhiga booliska magaalada xuddur isla sanadkaas wuxuuu ahaa Maxamed Yuusuf Dhuuxe,

Garsoorka magaalooyinka Tiyeeglow ,waajid iyo xuddur ninka hayey waxaa la oran jirey sanadkii 1947-dii Jaamac Dhoof (jaamac Gaanni) halka sheekha magaalada xuddurna uu ahaa Cabdalla Saalax oo isna lagu bedeley  sheekh kale oo isla sanadkaas lagu dhaawacay magaalada.

14 oktoobar 1947-dii xuddur waxaa lagu qabtey shir ay kasoo qeyb galeen dhamaan beelweynta raxaweyn iyo beesha kale ee Ogaadeen oo ka dhaxeeyey dagaalo salka ku hayey xoolaha iyo daaqa ,waxaana shir gudoominayey maamulka magaalada oo isugu jirey Ajaaniib iyo soomaali.

Isla sanadkan deegaan aan ka fogeyn xuddur  oo lagu magacaabo Ceel Qoran waxaa  lagu qabtey shir u dhaxeeyey beelaha Luwaay,iyo Jejeelle,waxayna ku beegney Nofeember 1947-da,waxaana ugu danbeyntii shirkaas kusoo gobo gaboobey in sohdin loo sameeyo labada qabiil ee Jejeele iyo Luwaay.

Horaantii 1948 dii magaalada xuddur waxaa mar qura soo ifbaxay Sheekh lagu magacaabo sheekh Garuun oo la dagaalamayey iskuulada maadiga ah ee wax lagu barto isagoo sheegayey inay bidco yihiin(hersey and heterodoxy) ayna tahay aragtiyo kayimid kaniisadaha gaalada(Church),nasiib daro sheekhu mahelin dad badan oo ku raaca waayo dadka qaar waxay u arkayeen qof aan daganeyn oo maskax ahaan dhameystirneyn.

1947 dii dhismooyinka magaalada xuddur waxay ukala qeybsanaayeen seddax qeybood oo kala ah Caariish ,mundul iyo baraako, waxaa faro kutiris ahaa guryaha dhagaxa ah inkastoo la sheego guriga ugu horeeyey oo dhagax ahaa inuu lahaa Alle ha unaxariistee Bil-miqaashin.sidoo kale  hareeraha magaalada waxaa ku dhisnaa Aqal soomaaliga(manhoori).

Isla sanadka 1947-dii xaafadaha xuddur waxay ka koobnaayeen seddax oo lagu kala magacaabi jirey Bander dhawiil oo hada loo yaqaano Buullow,Bander Jadiid oo ah xaafada dayuuro,sidoo kale xaafada seddaxaad ayaa loo yaqiiney xaafada koonfureed oo ah amxaari.

Buullow ayaa ah xaafada ugu faca weyn uguna horeysay ee lasoo dego xuddur, waxaana ay jirtaa seddax qarni ,waxayna leedahay caro cad oo indhaha cawara marka ay ku dhacdo falaaraha qoraxda.waxaana magaca buulow uu micnihiisu yahay Timihii adkaa(hair thick),waxayna ahaayeen dadka ugu badan ee soo degey carabta yemen .oo uu kamid ayahay Maxamed Saciid Sufi ,Salax addilici iyo Maxamed Salim binu Saalax.

Xaafada bander Jadiid(dayuuro) waxaa ku badnaa dadka soomaalida ah oo waxaana kamid xiligaasi dadkii ugu horeeyey ee soo dega Diirye Maxamed Cabdulle iyo shariif Maxamed Cali(Asharaf)

Xaafada kale ee  koonfureed waxaa deganaa Axmed Maxamed Naaji iyo Qaasim Saciid Fundi

 

NB:Magacyada dadka deganaa xaafadaha waxaa kazoo qaatey labo labo qof.

Heesta manta

Like it? Share it!

Leave A Response