Magaalada Xuddur oo siweyn looga dareemay Xuska Dhalashada Nabi Maxamed NNKHA.

by admin | Monday, Dec 12, 2016 | 131 views

Munaasabada Xuska Dhalashada Nabigeena Maxamed NNKHA ayaa si weyn loogu soo bandhigay Magaalada Xuddur ee Gobolka Bakool.

Maalmihii la soo dhaafay magaalada Xuddur waxa ka socday munaasabado lagu soo dhoweynayey dhalashada Nabiga  CSW,

Masaajidada magaalada waxa lagu xiray codbaahiyaal taas oo bulshada loogu sharxayey  dhalashada Nabigeena NNH , Amaantiisa, Taariikhda Islaamka  iyo in Diinta Islaamka ay tahay Diin Nabad gelyo.

Isuduwaha Wasaarada Awqaafta iyo Arimaha Diinta ee Gobolka Bakool Sheikh Cabdi Xuseen Iimaan ayaa tibaaxay faa’idada ay leedahay Xuska nabiga oo laweynaayo, wuxuuna intaasi ku daray in Nabiga xuskiisa oo layaraysto ay ka dhigantahay xaasidnimo oo Nabiga darajadiisa hoos loo dhigayo

Waxa isna Munaasabada ka hadlay Imaam Sheekh Cali Smboore oo ka’hadlay munaasabada Xuska dhalashada Nabi Maxamed NNKHA ayaa dadka ku booriyay in Allaha subxxana watacaalaa uu dadka faray in Nabiga ay ku saliyaan

\DSC01059

DSC01064

DSC01075

Like it? Share it!

Leave A Response