Degmada Ceelberde oo Xaalad Biyo la’aaneed Kajirta

by admin | Saturday, Sep 2, 2017 | 32 views

Degmada Ceelberde waxa ka jira Biyo la’aan aad udaran ka dib markii uu cilad gashay Ceelkii riiga ahaa ee Bulshada Degmadaasi ay biyaha kacabi jireen, waxana biyo la’aantaasi ay jirto labadii usbuuc ee lasoo dhaafey, majirto Ceel kale oo biyo laga cabo oo kuyaal degmadaasi ,marka laga reebo Ceelal magaalada Masaafo u jiro, biyo la’aantaan ka jirta Degmada Ceelberde ayaa sababtay in halkii fuusto oo biyo ah qiimaheeda uu gaaro inta u dhaxaysa 150-200 oo shilin soomaali ah.

Shacabka ku dhaqan Degmada Ceelberde iyo Nawaaxigeeda ma awoodaan in lacagtaasi oo aad ubadan biyo ku iibsadaan saameynta Abaartii soo martay awgeed, waxana degamada Ceelberde haatan ku sugan Barakacayaal aad u badan oo Xoolihii ay dhaqan jireen ka soo dhamaaday.

Xiriiro aan la sameynay dadyowga ku dhaqan degmadaasi ayaa Bakoolnews.com usheegey in hadii Ceel-riigaan oo ay biyo kacabayeen dad iyo duuyaba aan lahagaajinin ay dhici karto in gabi ahaamba laga barakaco Degmada Ceelberde biyo la’aanta daryteed.

Sidoo kale waxan arintaasi ka hadlay Maamulka Degmada Ceelberde waxayna sheegeen in hagaajinta Ceelkaan uu u baahan yahay ka maamul ahaan aan waxba ka qaban Karin balse ay kala hadleen Hay’adaha quseeya in ay wax ka qabtaan, waxayna baaq u direen maamulka K/Galbeed iyo DFS gaar ahaan Wasaaradahooda Macdanta iyo Biyaha in ay wax ka qabtaan xaaladaan biyo la’aaneed ee ka jirta Degmada Ceelberde ee Gobolka Bakool.

Degmada Ceelberde awaxy ku taalaa Xuduuda Soomaaliya la leedahay Dalka Itoobiya Magaalada Xuddur ee Xaruunta Gobolka Bakool waxay u jirtaa 90km, degmada Ceelberde waxa ka jira Labo maamul Maamul Hoostaga DGKGS iyo Maamul Hoostaga Dowlada Itoobiya.

 

Like it? Share it!

Leave A Response