Deegaanka Moor-gaabey oo lagu diley Haweeney kadib markii lagala baxay Gurigeeda

by admin | Monday, Sep 4, 2017 | 198 views

Deegaanka Moor-gaabey oo hoos yimaada degmada Xuddur ayaa xalay lagu diley Haweeney kadib markii gurigeeda lagala baxay.

Haweeneydan oo 20 jir ah ayaa lagu magacaaba Faadumo C/llaahi Abdiraxaman, waxayna dadka deegaanka u yaqaanaan “ukuney” .

Waxaa la sheegeyaa in habeen saq dhexe  lagala baxay gurigeeda,kadibna lagu toogtey meel aan sidaa ugu fogeyn gurigeeda .

Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa Bakoolnews u sheegey in Gabadha la diley uu dilkeeda ka danbeeyey Askari kamid ah ciidamada Dowladda ee kusugan Moor-gaabey. Waxaana weli la’ ogayn sababta keentey dilka Haweeneydan.

Maamulka deegaanka Moor-gaabey ayaa ka gaabsadey dilka,iyagoo sheegey inay baaritaan kadib ay ka hadli doonaan dilka marxuumad Faadumo.

Faadumo C/llaahi ukuney ayaa ifka kaga tagtey gabar labo jir ah,iyadoo ayna aheyd Qof carmal ah.Waxaana la sheegeyaa inay kamid aheyd dadka deegaanka oo aan ku lug laheyd siyaasad iyo dhinacyada kale ee isdiidan.

 

Like it? Share it!

Leave A Response