Degmada Xuddur oo maalmaha soo socda lagu qaban doono doorasho (warbixin)

by admin | Tuesday, Sep 5, 2017 | 65 views

Waxaa la filayaa in dhowaan  maamul cusub loo sameeyo Degmada Xuddur ee xarunta Gobolka Bakool.oo maalmihii lasoo dhaafay laga dareemayay gudaha degmada.

Wasaaradah Arimaha gudaha Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxay mudooyinkaan ku howlanaayeen sidii loo heli lahaa ergo soo xula golaha deegaanka.

Ergooyink oo gaarayo150 xubnood ayaa waxay ka kala yimaadeen dhamaan beelaha dega gobolka bakool,waxaana la sheegayaa inay ka kala yimaadeen ilaa 10-beelood.

Waxaa durba bilowdey siminaar lasiinayo ergooyinkan kaasi oo ay bixineyso wasaarada arimaha gudaha Soomaaliya iyo mida koonfur galbeed oo hormuudka ka yahay Madoobe Nuunow Maxamed.

Ergooyinka ayaa Simanaarka kadib  waxay soo xulayaan 27-xubnood oo galaha deegaanka ah ,iyadoo lagu saleyn doona tira badnaanshaha qabaa-ilada dega degmada.

Hay,ado maxali ah iyo kuwo NGO ah ayaa door weyn ka cayaaraya dhaqan galka shirkaan,iyadoo hay,adahaas ay kamid yihiin CRD,FCA,IDA iyo qaar kale.

Beesha Eylo ayaa sheegtey inaan lagu soo darin ergooyinka,waxayna sheegeysaa inay kamid tahay dadka deegaanka kunool ,xaqna u leh inay xubin ka noqdaan ergooyinka iyo golaha la dhisayo.balse weli kama jawaabin dowladda iyo K/Galbeed

Xulashada Golaha ayaa waxaa garab socda doorasha Gudoomiyaha degmada ,waxaa soo muuqanaya shaqsiyaad dhowr ah oo rajeynaya in qabtaan xilkaas,iyadoo Gudoomiyaha hada Maxamed Macalin uu masharax yahay.

Waa markii ugu horeysa mudo sanado ah la qabto doorasho heer degmo,iyadoo xaalada degmada ay tahay mid ay ragaadiyeen dibu dhac dhan walba ah.

Like it? Share it!

Leave A Response