Muran ka Taagan Gabar Lagu Dilay Gobolka Bakool iyo Maxamed Cabdi Toll oo laga wareystay

by admin | Thursday, Sep 7, 2017 | 129 views

Gudoomiyaha gobolka Bakool ayaa ku eedeeyey taliyaha ciidanka ee gobolkaasi dilka gabar dhallinyaro ah oo aheyd hooyada canug yar oo 7 bilood jir ah, taasoo la sheegay in muddo iminka laga joogo afar maalmood lagu toogtay tuulada Mooragaabey ee magaalada Xudur.

Gudoomiyaha gobolka Bakool, Maxamed Cabdi Tool oo VOA-da uwaramay  ayaa sheegay in dabagalkii dhacdadaasi ay ku soo afjarantey in taliyaha ciidanka dowlada fadereaalka uu sharci daro ku diley gabadhaasi.

Waxa kale oo uu sheegay in gobolku uu dacwad ka gudbiyey taliyaha oo uu ku eedeeyey wadashaqeyn la-aan ka dib dilkan Faadumo Cabdullaahi ay ciidanku u gaysteen.

Dhanka kale taliyaha Guutadda 8-aad ee ciidanka xoogga Soomaaliyeed Korneyl Cabdirxmaan Maxamed Cismaan Timacade oo uu gudoomiyuhu ku eedeeyey dilka loo gaystey Faadumo Cabdullaahi Bare ayaa  beeniyey eedeymaha loo soo jeediyey, balse qirey in la dilay marxuumadda.

Haddaba hoos ka dhageyso wareysiyada guddoomiyaha gobolka

Wareysiga Tima cadde

Like it? Share it!

Leave A Response