Magaalada Xuddur oo bandow lagu soo rogey iyo sababta ka danbeysa

by admin | Tuesday, Sep 12, 2017 | 84 views

Magaalada Xuddur oo Bandow lagu soo rogey.

Waaberigii Saaka ayaa wadooyinka waa weyn ee Magaalada Xuddur waxa lagu arkayey Ciidamo aad u hubeysan oo baaritaano ku sameynayey gawaarida taasi oo ah mid aan horey looga baran gudaha magaalada xuddur,

 

Saraakiisha ciidamada ayaa arintaan ku sheegey mid ay ku xaqiijinayaan Amaanka, waxayna amar ku bixiyeen in mudo sedex maalmood ah mootooyinka aan lagu arki Karin gudaha magaalada .Magaaladana ay Bandow ahaan doonto laga bilaabo 12-09-2017 xilliga uu bilaabanaayona ay tahay 05:00PM galabnimo ilaa 05:00AM subaxnimo Mudadaasi sedexda maalmoodka ah.

 

 

Saraakiisha ayaa waxa intaasi ay ku dareen in sababta ay u adkeynayaan Amaanka ay tahay Doorasho lagu wado in dhowaan ay ka dhacdo magaalada xuddur.

 
Bandowgaan iyo howlgalka ay wadaan Ciidamada wuxu ku soo beegmeysaa xilli dhowaan Al-shabaab ay howgalo ka fuliyeen Magaalooyin ay ka mid yihiin Baydhabo, Baladweyn Mogdisho iyo Magaalada Buulo xaawo oo weerar toos ah ay ku qaadeen.

 
Wararka kale aan heleyno waxay sheegayaan in maalmaha soo socda magaalada xuddur ay ku soo wajahan yihiin wafdi oo uu hogaaminayo Madaxweyne Shariif Xasa Sheekh Aadan oo ay wehliyaan Wasiirka Gaashaandhiga ee DFS iyo Sheekh Mukhtaar Roobo Cali Abuu Mansuur.

 
Bandowgaan lagu soo rogey magaalada xuddur ayaa waxa uu tuhun ku dheliyey shacabka reer xuddur oo aad u hadal haya waxa xiligaan ku soo beegey.

Like it? Share it!

Leave A Response