Xildhibaan Xasan (Black) oo kooxaha ka dhisan Xuddur gu’doonsiiyey Qalab isboorti

by admin | Wednesday, Sep 13, 2017 | 85 views

Xildhibaan Xasan Macalin Yuusuf (Black) oo ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Dowlada KGS ayaa maanta deeq dhar ah oo isugu jirta Uniform Sports oo ilaa  8 Team oo kubada Cagta ah iyo 4 Team oo Kubada Koleyga ah  iyo Hadiyad gaar ah oo uu ugu talagaley Golaha Malaaqyada ee Degmadatan Xuddur.

Xaflada Xildhibaanka ku bixinayay deeqdaan waxaa ka soo qeyb galey Masuuliyiinta maamulka Gobolka Bakool Maamulka Degmada Xuddur Guddiga Sportiga iyo Marti sharaf kale.

Deeqdaan dharka oo Xildhibaan Xasan Black soo gaarsiiyey magaalada xuddur ayaa waxa siwada jir ah uga mahadceliyey dhamaan masuuliyiintii ka soo qeyb gashay xafalada.

Xildhibaan Xasan Macalin Yuusuf (Black) oo mudo ka maqnaa magaalada xuddur ayaa sheegey in hadiyadaan isagu ku dhiira gelinayo bahda sportiga oo hada ka soo kabanayso dib u dhac dhowr iyo labaatan sano ka dib, wuxuuna intaasi ku darey in hadiyada Odayaasha dhaqanka uu ku doon siiyeyna ay tahay mid ay ka mudan yihiin maadaama 27 sano oo wadanka soomaaliya dowlad la’aan ahaa ay iyagu u dhabar adeegeen khaasatan Gobolka Bakool ,wuu ka duwan yahay Gobolada kale ee dalka Soomaaliya marka loo eego dirirta u dhaxeyso beelooyinka gobolada wada dega, majirto wax khilaayo beeleed oo ka taagan gobolka bakool.

Xildhibaankaan ayaa waxa uu noqonayaa Xildhibaankii ugu horeeyey oo ka soo jeeda Gobolka Bakool deeq jeebkiisa ka qarash gareeyeyna  soo gaarsiiya magaalada Xuddur ee Xaruunta Gobolka Bakool

DSC01862

Like it? Share it!

Leave A Response