Ururada Bulshada Rayidka Degmada Xuddur oo si weyn uga soo harjeestey Doorashadii shaley ka dhacdey Magaalada Baydhabo.

by admin | Tuesday, Sep 26, 2017 | 20 views

Kulan ay yeesheen Maanta Ururada Bulshada Rayidka ee Degmada Xuddur ayaa si weyn looga soo horjeestey Doorasho maamul looga sameeyey Ururka aan dowliga aheyn ee magaciisa loo soo gabiyo SOSWENSA kaas oo loo dhisay maamul Guddoomiye iyo Guddoomiye kuxigeen oo ka soo jeeda Gobolada Bay iyo Shabeelaha hoose halka Gobolka Bakool uu ka maqnaa kulanka Doorashada.

kulankaan waxa aad loogu dhaleeceeyey Wasaaradaha khuseeya iyo hay’adaha dhaqaalaha kubixiya sida wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, Wasaarada Haweenka iyo Xuquuqul insaanka waxayna lagu sheegey in cawaqib xumadii ka dhalata in ay iyagu masuuliyadeeda qaadayaan.

vlcsnap-2017-09-26-17h50m25s123

Like it? Share it!

Leave A Response