Doorashadii ugu adkeyd oo maanta dhacdey iyo Natiijadii ka soo baxdey.

by admin | Saturday, Sep 30, 2017 | 36 views

Lafta Gaalboore waxay laheyd 2 korsi waxana lookala doortey Wardheere Axmed Cabdi iyo Cabdulaahi Warsame Cali waxay aheyd doorashadii ugu adkeyd oo maanta dhacdey wareegii 1 aad waxa lagu kala baxey 5 cod iyo 5 cod wareeg 2 aad ayaa la isugu soo laabtey hadana waxay ku dhamaatey 5 cod iyo 5 cod intaa ka dib waxa loo wareejiyey Guddiga farsamada Doorashooyinka, Guddiga waxay sheegeen in ay qiimeynayaa labada musharax Aqoontooda, waaya aragnimadooda iyo qaabka ay foomka u buuxiyeen iyagoo lakaashanaya Ugaaska Beesha.

Daqiiqado ka dib gudigii waxay ku dhawaaqeen natiijadii waxayna sheegeen in ay u arkeen qofka ku xaboon in uu yahay Wardheere Axmed Cabdi, Haseyeshee Mustaf Maxamed Axmed oo latartamayay wardheere ayaa yeeshey in uusan ku qanacsaneyd qaabka ay xulitaanka u sameeyeen guddiga.

Like it? Share it!

Leave A Response