Xubnaha Cusub ee Golaha degaanka Degmada Xuddur oo maanta shahaado lugu doonsiiyey

by admin | Sunday, Oct 1, 2017 | 48 views

Iyadoo maalmihii la soo dhaafey Magaalada Xuddur ay ka soctay soo xulista Xubnaha Golaha degaanka ee degmada xuddur ayaa maanta munaasabad Xubnaha Golaha degaanka Shahaado lugu guddoonsiinayay waxa ka qeyb galey Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Maamul Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Bakool.

 

Wasiirka Arimaha Gudaha ee Maamul goboleedka koofur galbeed soomaaliya Madoobe Nuunow Maxamed oo isagu shahaadooyinka guddoonsiiyey Xubnaha Cusub ee Golaha degaanka Degmada Xuddur ayaa hadalo dardaaran ah u soo jeediyey, wuxuna intaasi ku darey in maanta sirasmi ah ufurmay tababarkii Xubnaha Golaha degaanka ee degmada xuddur kaas oo lagu siinayo casharo la xiriira qaabka ay iyagu dhexdooda uga dooranayaan Guddoomiyaha Cusub ee Degmadatan xuddur yeelanayso, wuxuna tababarkani uu socon doonaa mudo 5 maalmood ah.

vlcsnap-2017-10-01-21h01m32s14

Xubnahaan soo galey  Golaha degaanka Degmada Xuddur waxay isugu jiraan Xubno siyaasada ku cusub iyo Xubno horey uga tirsanaa Maamulka Degmada Xuddur, waxana xusid mudan oo xubnaha maanta soo xaadirey ka maqnaa shan xubnood oo aan weli beeshooda soo gudbinin.

Like it? Share it!

Leave A Response