Magaaladaan Ku Dhashay & Mustaqbalka Reer Xudur.

by admin | Sunday, Oct 1, 2017 | 90 views

Waa Magaalo Noocee Ah Xudur?!

Magaalada Xudur, Xarun goboleedka Gobolka Bakool ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaa hoos taga Shan Degmo oo kala ah: Ceelbarde, Rabdhuure, Waajid, & Tiyeeglow.

Xudur oo Xaruntii gobolka ah ayaana shaneesa.

Waa magaalo ay taariikhdeedu dib ugu noqonayso mudo qarni & bar ah, waxaana ku nool dad lagu qiyaasay 13000 oo Qoys sida ay Hay’adaha qaramada midoobay sheegeen sanadkii 2007di.

Reer Xudur waxaa ay nolol & dhaqaale ahaanba ku tiirsan yihiin nasbo aanan ka yarayn 75% xoolaha nool, inta soo hartayna waxay isugu jiraan beeralay & qaar nolol maalmeedkooda ka raadsha ganacsiyada yaryar ee nolol kaabka ah.

Xudur waxaa ay horay uga mid ahayd Magaalooyinka ugu nabdoon guud ahaan gayiga Soomaalida, waxaanna xiliyadii dagaalada sokeeye ay ka holcayeen gobolada Dalkeena Soomaaliya & waliba Caasimadeena Muqdishu soo miciin bidi jiray oo usoo barakici jiray kumanyaal dad ah…

Wakhtiga & waayaha cidna lama tashtaan, Reer Xudurna kuma aysan sii naawilin sidii ay kusii xajisan lahaayeen Hal dheerida Nabdeed ee ay mudo Sanado ah ku caano maalayeen, wixii ka danbeeyay halgankii Magaalada lagaga xureeyay dagaalamayaashii hororka ahaa ee uu dhiiga ka qubanayay, Dawlad isku sheegii Salbalaar.

Magaalada oo mudo kooban hormaro iska koobnaa laga dareemay oo dhinacyo badanna kasoo dhismayso, heerka wadciga bulshada & shaqo la’aanta dhalintuna uu soo yara hagaagayo ayaa waxaa mar kali ah ku habsaday duufaantii colaada & mawjadihii diir xumida ee dhiiga huwanaa.

Wixii ka danbeeyay Sanadkii 2008da waxaa si joogto ah hoos ugu soo dhacayay xariiq qiyaaseedka kaabayaasha hormarka bulshada.Intii yareed ee soo bidhaamaysay ayaanna si fudud kusii tirtirmayay. Ugu danbayntiina magaaladi ayaa noqotay mid la’isku hardiyo oo aanan cidna loo aabe yeelin.

Hanaan kasta oo hormarineed & dhamaan kaabayaasha bulshadana si tuugaysi ah ayaa loo wada qafaashay… Waxaa iigu yaab badneed markii intii la dhacay Hospitalkii Magaalada ee kumanaanka bukto lagu dhabiibi jiray hadana lagu qanciyay bulshadi in Qalabka & Daawada la dhacay ay gaalo lahayd…. kaaga sii darane isla qalabkii & daawadii meesha taashay ee ay Bulshadu lahayd loo iib geeyay Gobolo kale oo dalka ah!!!

Magaalada imika waxaa ka muuqda dib u dhacyo badan, kama jiraan wax horumar bulsho ah oo laga sii sheekayn karayo…

Dhanka waxbarashada waxay u muuqataa inay sanadkan soo hagaagayso, Hospital si rasmi ah u shaqaynaya wali kama jiro (Waxaase xusid mudan in Hospital ay bulshadu horay u dhisatay, ilaa xadna Qalab la geeyay… bal adba… mooyi halka ay wax si ka yihiin wali!!!)

Anigoon kusii dheeraanayn gocoshada taariikhahaasi madoow, ayaa waxaan qirsanahay in wax badan la bedeli karo oo daruus badan laga baran karo hadimooyinkii lasoo jibaaxay & waliba kuwa iminkaba lasii daabaalanayo….

Marka Dad dhan oo magaalo ku nool ay dhamaantood yar & waynba, Dumar & Ragba ay ka wada qaxaan Magaaladoodi iyagoo ka baqanaya in nafta la dhaafsiiyo oo la wada gawraco una wada qaxaan degmo kale iyagoo waliba 90km oo cabsi, haraad & gaajo intuba isu weheliyaan… ax! Garan maayo darsiga kaas ka wayn ee ay Reer Xudur ku cibro qaadan lahaayeen…

Isku soo wada duuboo si loo dhiso wadciga & garashada bulsho mudo dhoohanayd, looguna jiheeyo Dawga Horumarka waxaa lagama maarmaan noqonaya jeexida khariidhadii horumarka bulshadaasi taasi oo ay ugu horayso Diyaarinta & Kobcinta garaadka jiilka soo socda & u horseedida umada dhanka Maamul Wanaaga.

Tayaynta & Sare u qaadista Waxbarashada guud ee Bulshada, gaar ahaanna dhalinta soo koraysa ee Reer Xudur waa arinta ugu muhiimsan ee lagu qaabayn dhisi karo wadciga sii liidanaya ee bulshada, laguna hiigsan karayo Horumar waara…

Xaalada Waxbarasho ee Degmada Xudur:

Tan & wixii ka danbeeyay xukuumadii kacaanka ee Soomaaliya, Xudur kama jirin waxbarsho ilaa heer sare ah, amaba la qiimayn karayo.Dugsiyada waxbarashada Maadiga ah ee magaalada ka hawl galayay waa ay tiro yaraayeen, dadkuna kumaba baraarugsaneen baahida waxbarasho ee deegaanka ka jirtay.

Bulshadu waxaa ay un la daalaa dhacaysay nolol maalmeedkeeda caadiga ah, kumana aysanba mashquulin taabogelinta & u sahminta mustabalka ubadkooda, taasi ayaanna gun dhig u noqotay in badi jiilka waayadan aysan nasiib u yeelan soo qaabeeynta Mustaqbalkooda, sidoo kale waa sababta keentay in qarnigan 21aad Xudur ay kamid noqoto deegaanada ugu hooseeya xaga horumarka bulsho guud ahaan dalka Soomaaliya.

Hada Xudur waxaa ka furan ilaa iyo Afar School, marka laga reebo dugsiga hoose, dhexe & sare ee Shodog oo ay wax ka bartaan arday ku dhow 1000 arday, markii ugu horaysayna sanadkan ay kasoo qalin bedesheen 10 arday oo dhamaysatay dugsiga sare (inay magaalo dhan mudo badan kadib markii ugu horaysay 10 arday kasoo baxaan dugsi sare waa arin murugteeda leh, waxaanse rajayn in laga gudbi doono).

Sedexda dugsi ee kale waa Dugsiga hoose dhexe ee Buuloow oo sanadihii danbe sii liicayay, tirmayayna, arday 50 ka yarna ay wax ka bartaan, (Aniguse waxaan kasoo baxay xili uu ay wax ka baran jireen arday 1000 ku dhow, aduun baase is bedel badan!!), Dugsiga Hoose ee Maamo Geediya, arday danyar u badan ayaa isna wax ka barata lacag yar ayaana ardayda laga qaadaa ogaalkayga, waana dugsiga 2aad ee ugu ardayda badan sanadkan degmada Xudur, waxaanna wax ka barta arday ka yar 300 oo arday.

Dugsiga ugu danbeeyay ee magaalada laga dhiso waa Dugsiga Hoose ee Xudur, oo sanadkii 2015ki ay Hay’ada TIS u dhistay una qalabaysay Bulshada Reer Xudur. Dugsigan waxaa sii taabo geliyay oo gacan ku haynta Mas’uuliyadiisa la wareegay sanadkii 2016ki Urur Dhalin yaro deegaanka ah, iyaga ayaana gacanta ku haya oo maamula.

Waxaa dugsigan wax ku barta caruurta qoysaska dan yarta ah & waliba agoonta waxaanna wax kabarta marka lagu daro tiradasanadkan la diiwaan geliyay arday ku dhow 200 oo arday oo ay da’aadoodu u dhaxayso 8 jir ilaa 15 sano jir. Sida aan ku ogaa wax lacag ah lagama qaado ardayda wax ka barata dugsigan oo ilaa fasalka 4aad ee dugsiga hoose lagu barto.

Marka arinku sidaas yahay waxaan qirsanahay oo ay waliba dad badan oo kalena ila qiri doonaan inay jirto baahi waxbarasho, loona baahan yahay in la dhiso wadciga bulshada.

Waxaa muhiim ah in Bulshada lagu dhiiri geliyo oo loo hogo tusaaleeyo muhiimada ay leedahay Waxbarashada & in ay waxbarashadu badbaado u tahay aayaha & nolosha aadanaha.

Dhalinta waxbaratay ee uu nasiibku saaciday ee kasoo jeeda deegaanka waajib ayaa ka saaran samato bixinta bulshada ay ku abtirsadaan. Waa waajib muqadas ah inay ugu gurmadaan cilmiga yar ee ay barteen, ayna ku jiheeyaan oo u timaamaan wadiiqada horumarka (Shaki kuma jiro inay Waxbarashadu tahay Wadiiqada Horumarka & Baraaraha).

In dhalinta waxbaratay & dhamaan inta yara ladan ee deegaanka ay hirgeliyaan maraajiic cilmi oo ay ardayda walaalahooda ah ee ka danbeeya ka tixraacaan daruusta yar schoolka loogu dhigo waa arinta ugu muhiimsan, waana waxqabad aysan cidina dhayalsan karin, kaasi oo lagu dhisi karo mustaqbal bsulsho…

Maktabad Cilmi oo Xudur Laga Hirgeliyo

Helista goob wax akhris & tixraac cilmi waxay kaalinta 1aad kaga jirtaa kaabayaasha Cilmiga… Wax akhriska haduu batona waxaa balaaranaya baaxada fakirka & hal abuurka shakhsiga… Waxaa hubaal ah in shakhsi kasta kan uu ka wax akhris badan yahay ka garaad sareeyo kana hal abuurnimo badan yahay…

“Kuwa Maanta wax akhriya waa hogaamiyeyaasha Barito…”

Si aynu usoo saarno jiil aqoonyahano dhisan ah oo samata bixiya bulshadeena jahliga ku raagay waa inaynu u yagleelnaa Xarun ay ka tixraacaan oo ay ugu noqdaan mas’alooyinka cilmiga, Maskaxda & garaadkooduna ku kobciyaan.

Hadii uu inagu wakhtigu ina saaciday oo aynu kusoo kifaaxnay tacliin sare oo aynu heli karayno mas’alo kasta iyadoo ay inaga xigtay un hal click aynu inaguna waayaha u wanaajino ubadkeena soo koraya ee ku hanwayn inay mustaqbalkooda ifiyaan.

Garan mayo maalin looga baahi badan yahay badan yahay maanta in Maktabad Cilmi laga hirgeliyo maanta Magaalada Xudur ee xarun goboleedka Bakool, looguna tabaruco jiilkeenan Mustabalkooda doonaya inay Qaabeeyaan…

W/Q. Abdimajid Yousof Ali Sakiin

Talo & Tusaalayn:

drcanady111@gmail.co

Like it? Share it!

Leave A Response