Magaalada Xudur oo Dayuuradaha Qaadka laga mamnuucey

by admin | Tuesday, Oct 3, 2017 | 19 views

Ka dib markii maanta Magaalada Xuddur kulan Albaabada uxirnaa ay ku yeesheen Maamulka Gobolka bakool kan Degmada Xuddur, Saraakiisha Ciidamada iyo waxgaradka magaalada.

Kulankaan ayaa waxa looga hadlayey sidii Dayuurada qaadka looga jooyin lahaa magaalada xuddur oo mudooyinkaan dambe hoy u noqotay dayuuradaha qaadka oo maalintii dhowr dayuuradood ku soo degta, markii uu soo idlaadey kulanka waxa warfidiyeenada lahadley Guddoomiyaha Gobolka Bakool Maxamed Cabdi Toll wuxuna sheegey ka dib marka ay u arkeen in qaadkaan uu khal khal gelinayo amaanka ay go’aan sadeen in qaadka la joojiyo mudo kooban wuxuna intaasi ku daray in ay digniin siiyeen Ganacsatii qaadka keeneysey iyo shirkadaha dayuuradaha in ay ka waan toobaan ayna u hogaansamaan go’aanka ka soo baxay kulankaan maanta, Guddoomiye tol ayaa sheegey in dayuuradii lagu arko qaad ganaaxeeda uu noqon doono $2000 oo doolarka mareekanka ah ilaa ay ka bixisana aan garoonka ka duuleynin.

Like it? Share it!

Leave A Response