Caawi Gabadhaan sagaalka maalmood jirta oo Xanuunsan

by admin | Tuesday, Jan 2, 2018 | 103 views

Xaawo Aadan Cabdiraxmaan waxay Hooyo utahay Gabadhaan Sagaalka maalmood jirta,
Maama Xaawo waxay ka timid degaan la yiraahdo Qaydar-cade makay foosheeda soo dhowaatay ayaa dad ehladeeda ah waxay keeneen magaalada xuddur sidaas ayayna ku umushay Gabadhaan yar oo madaxeeda aad u jeedaan waxa ku yaala qeyb madaxeedaba ka weyn.

Maama xaawo oo aan kula kulmay Isbitalka Degmada Xuddur ayaa ii sheegtay in gabadheeda aan naas jaqin mudada yare e Ifka joogto markac laga reebo biyo caadi ah oo ay siiso waxay intaasi ku dartay in mararka qaar ay aad u oyso taas oo ladareemayo in neerfo ahaan loo qabto.

Dr. Ismaaciil oo ka mid ah takhaatiirka haatan ka howgalaya Isbitaalka Degmada Xuddur oo baaritaana ku sameeyey gabadhadhaan ayaa ku tilmaamay wax madaxa uga jiro insane ahayn biyo oo keliya, wuxuna talo ahaan ubixiyey in loo qaado Isbitaalada Magaalada Mogdisho si qaliin loogu sameeyo.

Weliba takhaatiirta baaritaanka ku sameeyey waxay sheegeen in dalka gudihiisa wax looga qaban karo walaalayaal aan u kacno caawinta gabadhaan yar.

Hooyo Xaawo Aadan Cabdiraxmaan oo aan weydiyey in ay awoodo in gabadheeda ay u aqaado isbitaal ayaa iisheegtay in Hoolihii ay dhaqanayeen abaartii la tagtay haatana ay la nool yihiin dad qaraabo ah, waxayna codsi udireysaa in ay gabadheeda u waawiyaan masuuliyiinta maamulka koofor galbeed soomaaliya Masuuliyiinta dowlada federaalka soomaaliya iyo shacabka soomaaliyeed meelwabo oo ay joogaan.
IMG_0314
Wixii Faafaahin intaa dheer kala xiriir 617126085/612602929

Like it? Share it!

Leave A Response