Al-Shabaab oo Gubay Raashiin u rarnaa Ganacsatada degmada Waajid

by admin | Saturday, Mar 3, 2018 | 58 views

waajidAl-Shabaab ayaa dhabbaha u galay Gaari dammeero siday raashiin ay lahaayeen Ganacsatada degmada Waajid ee Gobolka Bakool,iyagoona gubay ku dhawaad 10-gaari dammeer iyo raashiikii u rarnaa Ganacsatada degmadaasi.
C/qaadir Nuur Goome oo ah Guddoomiyaha Ciyaaraha degmada Waajid ee Gobolka Bakool oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in  Al-Shabaab deegaan duleedka ka ah degmada Waajid ay ku dileen ku dhawaad 10-dammeer ah,islamarkaana ay gubeen raashiinkii saarnaa oo u rarnaa Ganacsatada degmada Waajid ee Gobolka Bakool.
Dammeerada Raashiinka siday ayaa ka soo ambabaxay deegaanka Ceelboon waxayna ku sii jeedeen degmada Waajid.
“ deegaano banaanka ka ah degmada Waajid ayaa kuwii Shabaabka ahaa wadada u galeen Kareetooyin Raashin sida (Gaari Dameero) degmada u soo socday,dameeradii wey dileen raashiinkiina wey gubeen”,ayuu yiri Guddoomiye Goome.
Guddoomiyaha Ciyaaraha degmada Waajid C/qaadir Nuur Goome ayaa sheegay in ragii waday dameerada ay ka soo baxsadeen Kooxda Al-Shabaakhayre-520x280b,islamarkaana degmada ay yimaadeen,isagoona dhanka kale tilmaamay iney tageen deegaanka ay Shabaabka ku gubeen raashiinka durbana maleeshiyaadka goobta isaga baxsadee..
Wuxuu sheegay in hanti badan oo lagu qiyaasay 50-dollar goobta ay kaga baaba’day Ganacsatada degmada Waajid ee Gobolka Bakool,waxaana hadda wada hadalo u socda Ganacsatada Raashiinka laga gubay iyo maamulka degmada Waajid,sida uu Guddoomiye Goome sheegay

Like it? Share it!

Leave A Response