kulan looga tashanayey aayaha Gobolka Bakool ayaa lagu soo gabagabeeyey Magaalada Xuddur

by admin | Thursday, Mar 8, 2018 | 65 views

Wadatashigaan oo mudo sedex maalmood ah ka socday magaalada Xuddur ayna ka soo wada geyb galeen Maamulayaasha Degmooyinka Gobolaka Bakool iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada uuna soo qaban qaabiyey maamulka gobolka bakool ayaa waxa looga Hadley sidii wax looga qaban lahaa xirnaanshaha wadooyinka gobolka bakool, in lataagyeero howgalada ka dhanka ah maleeshiyada Alshabaab, in la dhiso guddi isku xira maamulayaasha Degmooyinka, Siyaasiyiinta, Bulshada Dowlada dhexe iyo tan koofurgalbeed si dhibaatooyinka ku soo noqnoqda gobolka bakool looga baaqsado.

Kulankaan oo maanta la soo gabagabeeyey waxa laga soo saarey qodobo dhowr ah oo ay ugu muhiimsan yihiin

1. In ladhiirageliyo Ciidamada meliteriga oo ku sugan Gobolka Bakool si loo furo Wadooyinka Gobolka

2. In laqabto bishaan dhamaadkeeda shirweyne ay u dhan yihii  dhamaan masuuliyiinta ka soo jeeda gobolka bakool.

3. waxa baaq loo jeediyey masuuliyiinta ka soo jeeda Gaobolka Bakool ha kujiraano Dowlada KGS ama Dowlada Federaalka Soomaaliya in shirweynaha ay ka soo qeyb galaan hadii kale bulshada reer bakool ay ka tashan doonaan.

Guddoomiyaha Degmada Xuddur Maxamed Macalin ayaa baaq udirey dowlada federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Koofur Galbeed in ay soo booqdaan gobolka Bakool si ay u ogaadaan xaaladaha dhabta ah ee kujirta Gobolka Bakool isagoona intaasi ku darey in ay garan la’yihiin cida ay u tirsan yihiin.

Gabagabadii waxa wadatashiga soo xirey Kusimaha guddoomiyaha Gobolka Bakool Cabdulaahi maxamed nuur snake  wuxuna u baaqey masuuliyiinta in ay soo ajiibaan qodobada ka soo baxay wadatashiga gaar ahaan qodobka tilmaamaya in shirweynaha bishaan dhamaadkeeda dhacaya ay ka soo qeyb galaan.

Like it? Share it!

Leave A Response