Weriyaal tirdoodu gaareyso ilaa 30 ayaa maanta tababar Sxaafadeed loogu furey magaalada Xuddur.

by admin | Monday, Mar 12, 2018 | 55 views

Tababarkaan oo ay soo abaabuleen Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed gacanna ka heleya Ururka hormarinta waerbaahinta ee dalka fidland ayaa maanta waxa gudaha magaalada Xuddur ku dahfurey maamulak Gobolka Bakool.

Waxana tababarkaan ka qeyb galey weriyayaal tiradoodu kor u dhaafetso ilaa 30 weriye oo ka howlgala warbaahino kala duwan.

Ugu horeyn waxa ka hadley Guddoomiye ku xigeenka Ururka Suxufiyiinta Qaranka Muxidiin Xasan Xusni iyo madaha tababarada Ururka nosoj ahna khabiir saxaafadeed Faarax Cumar Nuur waxayna kawar bixiyeen muhiimada tababarka iyo hadafka laga leeyahay, waxayna intaasi ku dareen in weriyaasha reer xuddur fursad ay u tahay tababarkaan maanta oo noqonaya kii ugu horeeyey oo Ururka NUSOJ uu uqabto.

Gudoomiyaha Arimaha bulshada Aadan Cabdi barey oo kasoo qeyb galay goobta tababarka uu ka dhacayey ayaa aad ugu mahadnaqey macalimiinta tababarkaan bixinaysa Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUOSJ wuxuna hadalo dardaaran ah u jeediyey wariyayaasha ka faa’ideysanaya tababarkaan labada maalmood soconaya.

Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed Maahir Jaamac Aadan oo hadalkiisa ku dheereedey ayaa sheegey sababta ay u doorteen weriyayaasha Gobolka Bakool in ay tahay weriyaal weligood aan tababar ka geyb galin iyo radio xuddur oo ah warbaahintii ugu horeysey oo guud ahaamba geyiga gobolka bakool lagu taago.

Guddoomiye maahir ayaa gabdhaha suxufiyiinta ee Degmada xuddur ku amaaney in magaalooyin badan oo magac leh warbaahinna horey uga tiiley ay kabadan yihiin taasina ay horseedi doonto in ay kudayasho noqdaan islamarkaasna ay waxkabedeli karaan mowqifka qaldan oo warbaahinta laga aaminsan yahay marka lajoogo goobaha warbaahinada ay ku yaryihiin.

Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Bakool ahna kusimaha Guddoomiyaha Gobolka Cabdulaahi Maxamed Nuur Snake oo dahfurey Tababarka ayaa madaxda nosoj ka caodsaday in ay laba jibaaraan tababarada ay siinayaan weriyayaasha Gobolka Bakool ayna aad ugu faraxsan yihiin, weriyaashana waxa uu ku booriyey in ay uga faa’ideeyaan weriyaasha kale aan nasiibka u yeelan in ay ka qeyb galaan tababarkaan.

 

Like it? Share it!

Leave A Response