Xaflad oo xilka kula wareegay Taliyaha Cusub ee Guutada Sagaalaad ee Gobolka Bakool oo maanta lagu qabtay magaalada xuddur

0
33

Saraakiil Ka soctay Taliska Qeybta Lixdanaad ee Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ayaa ka qeyb galay xaflad uu xilka kuala wareegayey Taliyaha Cusub ee dhawaan loo soo magacaabey Ciidanka Guutada Sagaalaad ee Gobolka Bakool iyadoo Taliyihii horena uu goobta xilka ku wareejiyey, sidookale waxa halkaa xilka kulawareegey Taliye loo soo Magacaabey Ururka konton iyo koowaad oo katirsan guutada sagaalaad.

Munaasabadaan Xil wareejinta waxa goob joog ka ahaa Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Bakool, Dhmaan Saraakiisha Ciidanka Guutada Sagaalaad ee Gobolka Bakool qeybaha kala duwan ee Bulshada iyo Saraakiil ka soctay Ciidaanka Itoobiya.

Ugu horeyn waxa xaflada ka hadlay Taliyihii hore ee Xilka wareejiyey Corneel Cabdiraxmaan Maxamed Cismaan Timacade wuxuna tilmaamay isbedelka inuu astaan u yahay Dowladnimada.

Taliyaha Cusub ee Janaraal Xasan Isxaaq Cumar Baydhabo ayaa ciidamada kula dardaarmay in ay diyaar u ahaadaan ladagaalanka Cadowga si loo soo celiya xasiloonida iyo Karaamada Umada Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn waxa xaflada hadalo kooban ka soo jeediyey Taliyaha howlgalada qeybta Lixdanaad ee Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed Gaashaanle sare Cabdiraxmaan Macalin Axmed wuxuuna sheegey in qofwalba looga baahan yahay in masuuliyad gaar ah iska saaro difaaca dalka.