Wasaarada Aarimaha Gudaha Dowladaha Hoose iyo Dib U heshisiinta Maamulka Koofur Galbeed oo Tababar ka Furtay Magaalada Xuddur

0
40

Tababarkaan oo ay ka soo qeyb galeen Xubnaha Golaha degaanka Degmada Xuddur iyo wakiilo ka socday Xafiisyada Ururada Bulshada Rayidka qeybahooda kala duwan ayaa waxa soo qaban qaabisey Wasaarada Arimaha Gudaha Dowladaha hoose iyo dib uheshisiinta ee Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya oo ay kaashanayso Wasaarada Arimaha Gudaha ee Federaalka ayaa saaka ka bilowdey gudaha magaalada xuddur.

Tababarkaan oo socon doona mudo toban maalmood ah ayaa waxa diirada lagu saari doonaa gudashada masuuliyada iyo waajibaaka ka saran u adeegida bulshada xubnaha degaanka ee dhowaan la doortay.

Barnaamijkaan waxa uu qeyb ka yahay Program ka JPLG oo ay hormuud u tahay Hay’ada UN HABITAT.

Ugu horeyn waxa Tababarka ka Hadley Cabdiraxmaan Cali Gaab oo ah lataliye sare dhinaca maamul wanaaga Wasaarada Arimaha Gudaha dowladaha hoose iyo dib uheshisiinta ee Maamulk Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya Wuxuuna sheegey in muhiimada Tababarkani ay tahay tayeynta iyo kor u qaadida howlaha Golaha Degaanka Degmada Xuddur.

Ugaas Cali dirir oo isna goobta ka Hadley ayaa sheegey in tani hordhac u tahay kor uqaadida xirfadaha xubnaha degaanka si si hufan ay bulshada dooratey ugu adeegaan wuxuna intaasi ku darey in wada shaqeyn dhow la leeyihiin bulshada dooratay ee ay matalayaan.

Guddoomiyaha Degmada Xuddur Maxamed Macalin oo ka mid ahaa xubnaha tababarka soo xaadirey ayaa umahadceliyey wasaaradaha soo qaban qaabiyey tababarkaan isagoo intaasina ku darey in la joogteeyo tababarada.

Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Bakool Cabdulaahi Maxamed Nuur snake ayaa hadfurey Tababarka wuxuna kula dardaarmey in ay ka faa’ideystaan casharada labixinayo Dowladnimadana ay tahay wax labarto.

Waa markii ugu horeysay oo tababar ay isla kaashanayaan wasaaradaha aimaha gudaha federaalka iyo tan koofur galbeed loo qabto xubnaha Golaha degaanka oo ladhisey mudo laga joogo lixbilood xitaa aan la qalabeynin xafiisyadii maamulka Degmada.