Guddoomiyaha Gobolka Bakool oo maanta Tababar u soo xirey Xudnaha Golaha Degaanka Degmada Xuddur

0
32

Tababarkaan oo mudo 10 malmood ah socday uuna soo xiray guddoomiyaha Gobolka Bokool ayaa waxa ka faa’ideystay, qeybaha bulshada ee magaalada Xudur ee xarunta Gobolka Bokool,oo ay ku jiraan Golaha deegaanka iyadoo ay si wadajir ahna usoo qaban qaabiyeen Wasaaradaha arrimaha Gudaha Dowladaha Hoose iyo Dib u heshishiinta ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Wasaarada Federaalka ayaa waxa laga soo saarey qodobo aad muhiin u ah oo dhaxal galna u noqonaya habraaca maamulka uu ku shaqeeyo.
Ugu Horeyn waxa ka hadlay xiritaanka Xaflada Cabdiraxmaan Cali Gaab oo ah Lataliyaha dhanka maamul wanaaga Wasaarada Arimaha Gudaha Dowladaha Hoose iyo Dib U heshisiinta Maamulka Koofyr Galbeed Soomaaliya wuxuna sheegey in ay ogaadeen in maamulkani uu ubaahan yahay Tababaro badan.
Cali Aadan Wiir waa Afhayeenka Golaha Malaagyada ee Degmada Xuddur wuxuna xusey in tani ay fududeyneyso wadashaqeyn dhow oo ay yeeshaan maamulka iyo shacabka ay u adeegayaan.
Cabdirisaak Isaak Saajin oo ah Guddoomiyaha Howlaha Guud iyo Dib Udhiska Degmada Xuddur ayaa sharaxayaa waxyaabihii ay ka barteen Tababarka.
Guddoomiyaha Degmada Xuddur Maxamed Macalin ayaa oo isna ka hadlay gabagabada tababarka ayaa ku dheeraaday in xubnaha maamulka looga baahan yahay in ay ku camal falaan qodobada ka soo baxay tababarka.
Guddoomiyaha gobolka Bokool Maxamed Cabdi Maxamed (Tol) ayaa kula dardaarmay dadkii loo qabtay tababarkani in ay ugu adeegaan bulshada waxyaabihii ay barteen,islamarkaana ay yihiin mas’uuliyiinta matalaya shacabka.
Tababarkaan ayaa sidoo kale lagu baranayay mudadii uu socday ka qeybgalayaasha sida loo wajihi karo caqabadaha bulshada dhexdeeda ah,sida shaqo la’aanta iyo go’aan qaadashada.
Maamulka Degmada Xuddur ayaa waxa uu noqonayaa maamulkii ugu horeeyey ee la dhiso maamulada haatan ka jira Degmooyinka Dalka Soomaaliya.