Ardada Sanadkaan kabaxaysa Iskuulka Shodog oo maanta u fariistey Imtixaanka Dalada Safe

0
28

Magaalada Xuddur Waxa ka socda diyaar garow loogu diyaar garoobayo Imtixaamka sanad dugsiyeedka ardada ka baxaysa Waxbarashada Xeerka dhexe iyo sare kaas oo Wasaarada Waxbarashada ee Dowlada Federaalka Soomaaliya shaacisey in uu dhici doono sagaal iyo tobanka (19) bisha May ee 2018 ayaa ardada sanadkaan kabaxaysa Dugsiga Hoose Dhexe iyo Sare ee SHODOG waxay u fariisteen Imtixanka Talada Safe.

Ugu horeyn waxa warbaahinta qaranka Soomaaliyeed uwaramay Maamulaha Dugsiga Hoose Dhexe iyo Sare ee SHODOG Macalin Daahir Hilowle iyo Milkiilaha Dugsiga Maxamed kheyr Maxamed Nuur waxayna sheegeen in ay u diyaar garoobayaan Imtixaanka Dowliga ah uu dhici doono bisha may 19 iyagoona xusey tirade ardada sanakaan kabaxaysa iskuulka Shodog.

Sheekh Maxamed Keer waxa uu ka mid yahay waalidiinta ardadooda dhigata Dugsiga wuxuna u mahadceliyey Macalimiinta Dugsiga, wuxuuna intaasi kudarey in uu aad ugu faraxsan yahay.

Guddoonka Waxbarashada Gobolka Bakool Cabduqaadir Nuur Cadow ayaa ardada u rajeeyey in ay qeyb ka noqon doonaan 10 arday ee gala kaalinta koowaad wuxuuna kula taliyey in ay kal sooni isku qabaan.
Arda saaka ufariisatay Imtixaanka ayaa fasaladooda kula hadlay waxana aan weydiiyey dareen kooda ku aadan imtixaamka maanta ay ufariisteen waxayna ka war bixinayaa in farxadooda maanta aan la soo koobi karin.

Waa markii gug horeysay oo arday ka qalin jebisa waxbarashada xeerka sare Degmada Xuddur ee Gobolka Bakool ay nasiib u yeeshaan in ka qeyb galaan imtixaanka Dowliga ah ta iyo bur burkii Dowladii dhexe ee Maxamed Siyaad bare Allah unaxariistee mudo ka badan 27 sano.