Wasiirka Wasaarada Garsoorka iyo Cadaalada Maamulka Koofur Galbeed ayaa xariga ka jarey Xafiis Cusub oo magaalada lagafurey

0
25

Munaasabadaan Xariga looga jarey Xafiiskaan Cusub waxa ka soo qeyb galey Wasiirka Wasaarada Garsoorka iyo Cadaalada ee Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya Maamulka Gobolka Bakool Odayaasha Dhaqanka iyo Marta sharaf kale.

Xafiiskaan waxa uu noqon doonaa mid loogu adeegayo ka hortaga tacdiyada loogeysto Haweenka waxana hoostagayaa Wasaarada Garsoorka iyo Cadaalada ee Maamulka Koofur Galbeed.

Wasiirka Wasaarada Garsoorka iyo Cadaalada ee Maamulka Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Gobolka Bakool ayaa siwada jir ah xariga uga jarey.

Guddoomiyaha Gobolka Bakool Maxamed Cabdi Maxamed (Tol) ayaa bogaadiyey muhiimada uu leeyahay Xafiiskaan Cusub wuxuna sheegey in loo baahan yahay in laga furo dhamaan Degmooyinka Gobolka.

Wasiirka Wasaarada Garsoorka iyo Cadaalada ee Maamulka Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya Sheekh Xasan Ibraahim Lubuur oo munaasabada ka Hadley ayaa sheegey cida sida gaarka ah uu xafiiskani u quseeyo.

Xafiiskaan ayaa waxa uu noqonayaa kii ugu horeeyey oo wasaarad ka tirsan maamulka koofur galbeed soomaaliya ay ka furto Gobolka Bakool.