Kulan logu soo dhoweynayo Guddoomiyaha Cusub ee Golaha Shacabka Somaaliya oo maanta lagu qabtay Magaalada Xuddur

0
33

Kulankaan oo ay soo qaban qaabiyeen maamulka Gobolka Bakool ayna ka soo qeybgaleen wasiiro katisan maamulka koofur galbeed Soomaaliya Maamulada Degmooyinka Xuddur iyo Tiyeeglow Saraakiisha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed iyo dhamaan bulshada rayidka qeybahooda kala duwan ayaa waxa lagu taagyeerey Guddoomiyaha Cusub ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Fedreaalka Soomaaliya.

Ugu horeyn waxa kulanka ka Hadley Guddoomiye kuxigeenka Degmada Xuddur ahna kusimaha guddoomiyaha Mustaf Aadan iyo Guddoomiyaha Degmada Tiyeeglow Maxamed Xasan Cabdalla Foodcade waxayna sheegeen in ay hambalyo u dirayaan.

Qeybihii kala duwanaa ee bulshada oo kulanka ka soo qeybgaley ayaa soo dhoweeyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan waxayna ka dalbadeen in meesha ugu horeysa ee Booqanaayo uu ka dhigo Gobolka Bakool gaar ahaan Degmada Xuddur.

Guddoomiyaha Gobolka Bakool Maxamed Cabdi Tol oo kulanka soo abaabuley ayaa ka sheekeeyey mudadii ay isla soo shaqeeyeen Guddoomiyaha Cusub isagoona u rajeeyey in si cadaalad ah uu uguto xilka cusub ee loo doortey iyo doorashadiisi ay noqotay mid taarikhi ah.

Wasiirka Wasaarada Garsoorka iyo Cadaalada ee Maamulka koofur Galbeed Sheekh Xasan Ibraahim Lubuur ayaa gabagabadii kulanka Sooxirey wuxuna hambalyo udirey guddoomiyaha iyo shacabka soomaaliyeed meel kasto ay joogaan.