Munaasabad lagu xusey sanad guurada 1 aad ee Radio Xuddur ayaa maanta lagu qabtey magaalada xuddur.

0
33

Maamulka Gobolka Bakool iyo qeybaha kala duwan ee bulshada sida Maamulka Degmada Xuddur, Maamulka Degmada Tiyeeglow, Culimaa’udiin, Odayaasha Dhaqanka, Haween, Dhaliyaro, Aqoonyahanada, kooxda Isboortiga, Guddiyada Xaafadaha, Bahda Waxbarashada, Bahda Caafimaadka, Ganacsatada, Bahda Saxaafada, Laamaha Amniga, Fanka iyo Suugaanta iyo marti sharafta kale ayaa ka qeybgaley munaasabad lagu xusey sanad guuradii 1 aad ee ka soo wareegatay maalintii dhibadaha loo taagey Idaacada Radio Xuddur oo ku asteysan 03-may-2018.

Ugu horeyn waxa munaasabada ka hadlay Maamulka iyo weriyaasha ka howlgala Idaacada Radio Xuddur waxayna ku dheeraadeen marxaladihii kala duwanaa ee Idaacada soo martay mudadii halka sano waxayna maamulka iyo bulshada ree xudur ku amaaneen sida ay garabka ugu siiyeen howlaha shaqo ee ay bulshada u hayaan waxayna tibaaxeen in ay sii wadayaan adeega xufan ee bulshada muhiimad weyn u leh.

Ururadii bulshada ka qeyb galey munaasabada ayaa u hambalyeeyey weriyaasha ka howlgala Radio Xuddur waxayna aad uga sheekeeyeen isbedelada ay dareemayaan halsano kadib waxayna ku dheeraadeen wax yaabihii la adeegsan jirey waayadii hore oo wararka la isugu tabin jirey.

Guddoomiyaha Degmada Tiyeeglow Maxamed Xasan Cabdlla (foodcade) wuxuna hambalyo u direy shacabka reer xuddur wuxuna codsadey in idaacada la bilaariyo oo degmooyinkana lagaarsiiyo.

Guddoomiyaha Arimaha Bulshada ee Degmada Xuddur Aadan Cabdi Abaarey oo munaasabada ka Hadley ayaa shahaado sharaf gudoonsiiyey Idaacada iyo weriyaasha ka howgala Idaacada isagoo sidoo kalena hadiyad guddoonsiiyey saxafiyiinta qaar oo uu sheegey in ay ku mutaysteen howsha xagar la’aaneed oo ay qabtaan wuxuna sheegey in u jeedada ugu weyn ay tahay dhiiragelinta iyo garab istaaga maamulka uu lagarab taagan yahay saxafiyiinta ka howgala Degmada Xuddur.

Guddoomiye ku xigeenka Degmada Xuddur ahna kusimaha Guddoomiyaha Mustaf Aadan Aadan ayaa sheegey in cidaacada radio xuddur ay tahay macallin ay ka warsugayaan maamulka iyo bulshada dhamaan wuxuna urajeeyey in ay lasii balaariyo si degaano kale ay ugaarto.

Gabagabadii Munaasabada waxa soo xirey Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Bakool Cabdulaahi Maxamed Nuur snake wuxuna la dardaarmey weriyaasha in ay u dhabar adeegaan duruufaha adage e ay ku shaqeeyaan.

Radio Xuddur waa idaacadii ugu horeysey ee laga furo guud ahaan Gobolka Bakool.